Laami Cusub Oo Laga Binaynayo Gudaha Burco

0
387

Burco (DAWAN):  Maayarka  magaaladda  Burco Maxamed Yuusuf Muraad  iyo  Guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye  iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka Burco   ayaa si wada jir ah shalay u dhagax dhigay Wado 1 KM ah oo laga hirgelinayo gudaha Magaalada Burco.
 
Maayarka   Burco Maxamed Yuusuf Muraad, oo hadal ka jeediyay dhagax-dhigaasi   ayaa  sheegay in ay sanadkan u qorshaysan tahay   hirgelinta  Wadadan.
Waxaanu  yidhi “Maanta (shalay)  waxa nasiib wanaag ah Wadooyinka, sannadkan haddii aanu nahay maamulka, golaha deegaanka iyo gobolka, waxaanu dhagax dhigaynaa Wadooyinkii noogu jiray Miisaaniyadda Wadadan oo dhan 1 KM.  dhismaheeduna  noqonayo dhimse carsi ah oo ah  Wadooyinka aanu ku balan qaadnay sannadkan in aanu hirgelino haddaanu nahay maamulka golaha deegaankaba Degmada Burco.
Waxaanay Wadadani noqonaysaa  kuwo ugu qiimaha badan waana Wado carsi ah.”
 
Sidoo kale guddoomiye  ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye,   ayaa dawladda hoose ee Burco ku bogaadiyay dedaalka ay ugu jiraan horumarinta bilicda  magaaladda Burco.
 
Waxaanu  yidhi “Waxaan u mahad naqayaa xubnaha golaha deegaanka iyo Maayarka Burco oo dedaal ugu jira kor u qaadidda  bilicda  Burco  una keenay daamur badan, dadweynaha reer Burco waxa ku waajib ah sida Hargeysa oo kale inay qaadhaanka kala qayb-qaataan dawlada hoose oo ilaashadaan hantida loo samaynayo,  oo golaha deegaanka iyo Maayarka u dedeelaya gacan siiyaan. Gobol ahaana waanu soo dhaweynaynaa mashruucaa balaadhan ee la dhagax dhigayo.”
 
Xoghayaha dawlada hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sh. Cismaan Nuur ayaa bulshada ku dhaqan Burco ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dhaqaalaha lagu horumarinayo Waddooyinka.
 
waxaanu yidhi  “Halkan waxaanu ka samayn doonaa oo aanu dhagax-dhignay Wado 1 KM ah, Wadadaas qaabka loo samaynayaa waa mid casri ah oo qaababkii hore ee Wadooyinka  loo samayn jiray aan ahayn, lacagta ku baxaysaana waa 200 kuna oo Dollar ku dhawdhaw,  ILAAHAY waxaan ka rajaynayaa inay si fiican oo quman inoogu dhamaato. Waxa kale oo aan dadweynaha reer Burco u soo jeedinayaa in xaafad kasta oo qaadhaan bixisa  aanu Wado u samayn doono, waxaanan haynaa laba kulan oo Foosto oo daamur ah, labadaa kun ee Foosto ee daamurka ah Burco ayaanu kaga samayn doonaa 20 KM markaa waxaanu sheegaynaa xaafad kasta oo dadaasha oo qaadhaan bixisa in aanu Wado ka dhex samayn doono.”
Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan golaha deegaanka Burco oo halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Inay Burco bilawdo sida Magaalooyinka kale oo ay shirto si ay u samaysato Waddooyin waaweyn oo bilic leh labada kun ee daamur, anagu Burco ayaan u haynaa Iskuulka Mustaqbal ayaa lacagti diyaariyay oo aan ku bilabaynaa hadda.” Ayuu Yidhi Xildhibaan Bidhi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply