Wasaarada Waxbarashada Oo Dejisay Qorshe Lagu Horumarinayo Tayada Manhajka Dalka

0
441

Hargeysa (Dawan) –  Wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Cabdirashiid Ismaaciil, ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furay kulan lagu gorfaynayay sidii kor loogu qaadi lahaa Manjahka waxbarashada dalka iyo sidii ay Ardaydu u heli lahaayeen waxbarasho  tayo leh.
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka socday Wasaarada waxbarashada iyo hay’addaha ay wadashaqaynta leeyihiin Wasaaradda
“Barnaamijkani waa mid hore u soo bilaabmay, qaybtiisii labaad baa hadda lagu jiraa oo aanu wadnaa hay’addahaana nagala shaqaynaya Wasaarad  ahaan, hay’addahan nagala shaqaynaya hawsha waxay bixinayaa aqoon isweydaaris lagaga hadlayo hawshaasi sidii ay u taabo geli lahayd wixii farsamo ah ee hoos loogu sii dhaadhacayo, hawlwadeenka Wasaarada waxbarashada oo Agaasmuhu ugu horeeyo ay halkan isla fadhiyi doonaan wakhtina ku wada qaadan doonaa , waxaan tilmaamayaa Wasaarad ahaan ama Wasiirka Wasaarada waxbarashada Md. Faarax Cilmi Geedoole meelaha ugu muhiimsan ayaan doonayaa inaan yara taataabto meelo ka mid ah, waxa ka mid ah meelahaasi qaybta kormeerka oo halbawle u ah Wasaarada waxbarashada, waayo waa ruuxii soo qaadayay xogta taala Iskuulada. Sidoo kale waxa iyaduna qayb muhiima ah qaybta xog ururinta Wasaarada waxbarashada ee MS- ka loo yaqaano, labadaa qaybood ee aan sheegay iyo qaybaha kale ee aan sheegi doonaba waxaan rajaynayaa in hay’addaha halkan joogaa ay wax nagala qabtaan.” Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka waxbarashad
Waxaanu intaas ku daray  “Qaybta la yidhaahdo Manaahiijta, Ardaygu dugsiga dhexe iyo ka sareba Manhaj tayo leh haddaanu helin waxa weeyaan Arday tayo leh oo beri hoggaamiyihii mustaqbalka noqdaa soo bixi maayo, waxaanu codsanaynaa in Manhajka wax nalagala qabto oo dugsiyada sarena Buugaagtii aad ugu yartahay in hay’addaha nala shaqeeyaa ay wax nagala qabtaan, xaga dugsiga dhexe Manhajkii waxa lagu wadaa dib u eegis oo Wasaarada waxbarashada laga wadaa oo hawl-wadeena Wasaarada ayaa ku mashquulsan, Manhajka markaanu ka hadlaynana waxa weeyaan, waxaanu leenahay Buugaagtii tusaalaha iyo marjaca laga dhiganayay ayaanu u jeednaaye. Manhajku waxa uu ka soo fulayaa maanka aqoonyahanada Wasaarada waxbarashada kolba sida loo qorayo iyo sida uu noqonayo ayuu ka soo fulaa.”
Wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashad waxa kale oo uu sheegay in muhiim tahay in la helo tayo dhamaystiran oo anfacda Ardayga, waxaanu yidhi  “Sidoo kale tababarka xaga macalimiinta oo iyaduna hawl muhiima ah oo haddii aan la helin macalin tayo leh lama helayo Arday tayo leh, sidoo kale waxa iyaduna meelaha noogu muhiimsan ka mid ah qaybta farsamada gacanta la yidhaahdo iyo waxbarashada dadban, qaybahaasi waa kuwo aad inoogu muhiim ah iyo qaybta la yidhaahdo waxbarashada gaarka ah, qaybahaas oo dhan waxaanu doonaynaa in dalka oo dhan lagu baahiyo ilaa Miyiyada oo dadkii baahiyaha gaarka ah lahaa iyo dadkii waxbarashada dadban u baahnaa laga heli karayo. Xarunta ay degan tahay qaybta Manaahiijtu waa qayb wakhti hore la sameeyay oo kontomeeyadii la dhisay, maanta oo aynu joogno habsami u socodka waxbarashada iyo tiknoolajiga adduunku halka uu marayo lama jaan qaadi karayso, waxaanay maanta ku filaatay wixii Manhajka loogu tallo galay Madbacadii oo keliya markaa waxaanu doonaynaa dhimse cusub oo loo dhiso in nalaga caawiyo oo hay’adduhu nagala qayb qaataan.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply