Qasrigii Shayaadiinta

0
1143

Markii waagu dilaacay oo ay cida shimbiruhu is qabstay, neecwada dhacaysana aya ahayd mid si ay naftu ku raaxaysnayso, ayaa gabadh da’dii sodonaadka ku jirta oo ku kalahaysay shaqadeedii ay maqashay codka u dhawaaqa oo leh Dectoraar.
Waxay eegtay dhinaca midig iyo kan bidix  laakiin waxba may arag. Toosh ay siday aya shiday maadama uu iftiinka waagu aanu  aad u wada dilaacin.  Waxa uu ahaa coda nin ,madaama aya ahayd Dhakhtar  way iska socotay iyadoo haddan cabsi badani ku jirto.
Gabadhani waa Dr.Carman Sanatisa oo u dhalatay Spein,  waxay niyadda iska weydiinaysa inay ka timi laba ilaaliy oo ay ay lahayd iyo Eygeedii. Waxay haysatay shaadooyin badan oo ay ku qaadatay aqoonteeda iyo hawlkarnimadeeda.  Waxay ku socotay qasriga aya shaqada ka bilwday kaasi oo dad badan oo ka horeeyay iskaga tegeen ka dib cabsi kala soo deristay.Inkasta oo dhawaaqu baxaya haddan waxago’aansatay in aany is taagin.. ( La soco).

Leave a Reply