Afhayeenka Madaxtooyada Oo Horumarka Dalka Uga Xog-waramay Jaaliyadda Washington

0
312

Washington (DAWAN):-Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul,ayaa uga xog waramay jaaliyadda reer Somalilad  ee  ku dhaqan maqaalada Washington DC ee carriga dalka Maraykanka oo xaflad soo dhawayn iyo casuumaad ah ku qaabilay afhayeen dhuxul.
 
Xafladda jaaliyadu u samaysay afhyeenka oo ahayd mid aad u sarraysa oo aanay u kala hadhin bulshada reer Somaliland ee halkaa ku dhaqani ayaa ugu horrayn waxaa halkaa ka hadlay   Wakiilka Somaliland  ee dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf
 
Waxaanu uga  mahad naqay sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen jaaliyaddu soo dhawaynta afhayeenka iyo  guud ahaan markasta oo ay masuuliyiinta qaranku booqasho ugu tagaan waxaanu intaa ka dib  ku soo dhaweeyay afhayeenka oo isna dhankiisa mahad naq kaga jawaabay casuumadda qiimaha leh ee lagu qaabilay iyo sida loosoo dhaweeyay.
 
 
 
Intaa ka dib waxaa uu warbixin ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo halka uu marayo hada iyo doorka ay ku leeyihiin ka jaaliyad ahaan iyada oo beryahan dalku indhaha ku hayo dhaq-dhaqaaqa jaaliyadaha maraykan iyo Canada oo la soo baxay dedaal iyo karti dheeriya, oo shacbiga Somaliland la dhacsan yihiin, sida ay hawlaha u wadaan.
 
 
 
Waxaanu kula dardaarmay afhayeenku jaaliyada  isku duubni iyo wadajir iyo in mar kasta ay ku midaysnaadaan Somalilandnimada oo aanay hoos uga degin iyo inay ogsoonaadaan in dalku soo eegayo waxbadkooda iyo doorka dib u dhiska waddooyinka, caafimaadka iyo waxbarashadaba,
 
Safarka afhayeenku ku maraayo Dalka maraykanka ayaa la xidhiidha martiqaad rasmiya oo uu ka helay dalalka Canada oo uu kala qaybgalay xuskii 18-may jaaliyaha ku kala dhaqan Canada, isaga oo uga soo gudbay Dalka maraykanka oo uu hada ku sugan yahay casuumado iyo martiqaadyo dhawrana ka helay jaaliyadaha ku dhaqan 4 magaalo oo ay ugu horayso Washington, afhayeenka oo ku sugnaan doona dalka maraykanka maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu kulamo muhiima la yeesho, odayaasha, aqoon yahanka, waxgaradka iyo muwaadiniinta ku dhaqan magaalooyinka lagu casuumay.
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply