Shir Nabadeyn ah Oo Beelaha Buuhoodle Iyo Qori-lugud Uga Furmay Coodanle

0
328

Buuhoodle (Dawan)- Wejigii labaad ee shirweynaha nabadaynta beelaha walaalaha ah ee deegaanada Buuhoodle iyo Qorilugud ayaa shalay ka furmay magaalada Coodanle oo dhinaca galbeed 50 km  ka xigta magaalada Buuhoodle.
Ergooyinka ka socda dhinaca Buuhoodle ee ka qaybgelayey shirkan ayaa shalay subax ku soo dhammaaday magaalada Coodanle oo gogoshu tiillay, shirkan oo socon doona muddo todobaad ah sida uu wargayska DAWAN u xaqiijiyey Suldaan Maxamed Xaaji Xuseen oo ka mid ah salaadiinta mudada dheer ku hawlanaa nabadayntan.
Suldaan Maxamed Xaaji Xuseen isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Shirkan nabadayntu waxa uu si rasmi ah uga furmay magaalada Coodanle subaxnimadii saaka, inkasta oo aan wada hadalka la guda gelin oo looga baaqday is barasho iyo is waraysi dhexmara ergooyinka ka kala yimid labada dhinac.”
 
Shirkan shalay furmay ayaa ah mid lagaga wada hadli doono sidii xal waara looga gaadhi lahaa colaadaha soo noq noqday ee ka taagan Jiidaha u dhexeeya dhulka ay deriska iyo ood wadaagta ka yihiin beelaha Buuhoodle iyo Bariga Burco.
 
Odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ayaa muujinaya Ifa-faalo nabadeed oo halkaasi ka yimaada iyadoo waxgaradka labada dhinac ay si aad ah ugu qanacsan yihiin fulinta qodobada ka soo baxa shirka Coodanle, sidoo kalena dadka reer Guuraaga ah ee labada dhinac ayaa u muuqda kuwo Nabadda xiligan ay ka bislaatay  marka laga qiyaas qaato sida ay uga shaqaynayaan  marka loo eego xiliyadii hore.
 
Kulankan ka qabsoomay magaalada Coodanle ayaa ah wejigii labaad iyadoo kiisii hore uu ka qabsoomay deegaanka Aadan Waal ee u dhexeeya labada deegaan, shirkaasi oo qodobadii ka soo baxayna ay dhamaan noqdeen kuwo labada dhinacba ka dhaqan galay, waxaana uu ahaa qodobkan hadda suurtoobay mid ka mid ahaa qodobadii lagu gudoonsaday shirkaa hore ,waxaana uu qodobkani qeeexayey in muddo 21 maalmood ka dib la isugu yimaado shirwayne ,kaasoo ay gogoshiisa dhigayso beesha bariga Burco.
By:Faysal Axmed Kaarshe
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply