Xukuumadda Oo Ganacsatadda Ku Soo Rogtay Qorshe Qiime u Yeelaya Lacagta

0
315

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somaliland ayaa soo saartay wareegto ay amrayso dhamaanba goobaha ganacsiga iyo cid kasta oo samaysa adeegyo ganacsi in lacagta ay qaadanayaan iyo ta ay bixinayaanba   lacagta rasmiga ah ee ay u  isticmaalayaan ay noqoto shillinka Somaliland.
Sidaasina waxaa lagu sheegay wareegto shalay ay soo saartay wasaaradda ganacsigu taasi oo nuqulka mid ah uu soo gaadhay xafiiska wararka ee wargeyska Dawan, oo uu ku saxeexnaa wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Muuse Qaasim Aw Cumar.
Wareegtadaasi ayaa lagu sheegay in ujeedadeedu tahay wargelin ku saabsan hirgelinta qaadashadda lacagta shillinka ee  Somaliland isla markaana lagu farayo dhamaanba ganacsatada iyo goobaha gaarka loo leeyahay sida waxbarashadda, caafimaadka, biyaha, isgaadhsiinta, korontada iyo cid kasta oo samaysa adeeg ganacsi inay isticmaalaan lacagta shillinka Somaliland.
sidoo kale Wareegtadaasi ayaa   lagu sheegay in cid kasta oo u hogaansami wayda amarkaasi isla markaana sideeda ugu dhaqmi wayda wareegtadani in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-
“Aniga oo tixraacaya shuruucda dalka sida dastuurka JSL, Xeerka Baanka, iyo xeerarka Ganacsiga iyo Maaliyada ee ku salaysan  in Sh. SL uu yahay lacagta rasmiga ah ee dalkan JSL, iyada oo la eegayo dhibaatada uu ku hayo isticaalka tooska ah ee dollarku dhaqaalaha dalka, sarifka lacagta iyo sicir bararka, iyada oo laga duulayo go’aamadii ka soo baxay kulamadii laga yeeshay arrimahaas ee ay isugu yimaadeen Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyada, Arrimaha gudaha, Rugta Bulshada, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa wareegtadan.
 
 
Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah waxay ku wargalinaysaa dhammaan Ganacsatada iyo Goobaha gaarka loo leeyahay ee adeegyada Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Isgaadhsiinta, Korontada, Huteelada Cuntada, Hurdada, Warshadaha iyo cid kasta oo samaysa adeeg ganacsi.

  • In lacagta rasmiga ah ee dalka JSL uu yahay Shillinka SL.
  • In cid kasta oo samaysa adeeg ganacsi ay u isticmaasho Shilinka SL lacagta ay qaadanayso iyo lacagta ay bixinayso labada.
  • In cid asta oo sidaa ugu dhaqmi wayda wareegtadan laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.Allaa Mahad Leh.”
  • By: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply