Cuqaasha Galbeedka Burco Oo Ku Dhawaaqay Go’aan Qaran-dumisnimo Oo Uu u Laqimay Cabdiraxmaan Cirro

0
464

Burco(Dawan)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee mudada loo kordhiyay, ayaa beeshiisa ku dhaliyay inay qabtaan shirar kala duwan oo ay ku iclaaminayaan inaanay Somaliland wax dawlad ahi ka jiraynin  wixii ka dambeeya bisha June ee fooda innagu soo haysa. Arrintaasi oo ah fadeexadii ugu xumayd ee soo wajahda Guddoomiye Cirro.
Cabdiraxmaan Cirro waxa uu lacag badan ku bixiyay sidii Beeshiisu uga dhiidhiyi lahayd, ugana soo horjeedsan lahayd   Go’aankii muddo kordhinta ee Golaha Guurtiddu u samaysay xukuumadda iyo Golaha  Wakiiladda oo uu illaa imika ka mid yahay isla markaana aanu iska casilin.
Dhawaaqa ka soo yeedhay beeshiisa oo ah cida kaliya eek ku kaliyaysatay inay ka soo horjeedsato muddo kordhinta ayaa waxay xisbiga WADDANI  u yeeshay sumad beeleed, taasi oo ah mid aan waafaqsanayn sharciga nidaamka axsaabta badan oo dhigaya in xisbiyadda qaranku noqdaan qaar ay ku wada jiraan beelaha reer Somaliland oo dhammi.
 
 
 
Guddida beesha  galbeedka Burco  iyo Cuqaasha beeshaasi ayaa shir jaraa’id oo ay habeen hore ku qabteen magaaladda Burco waxay ku sheegeen in dawladnimadda Somaliland burburi doonto, haddii aan laga noqon go’aanka Golaha Guurtidda. Waxa kale oo ay si milgaha ka baxsan u aflagaadeeyeen aqalka odayaasha Somaliland oo ay  xaqireen kaalintiisa wax ku oolka ah, waxaanay ku eedeeyay Gole Burbur dalka u horseedaya.
 
Guddoomiyaha Guddida Tallo iyo Tawfiiq ee beesha Habar-yoonis Xasan Xuseen Faarax, ayaa sheegay in marka la gaadho 26-june ee sannadkan aanay dalka ka jiri doonin wax dawlad ahi, arrintaasi oo ah mid dambi qaran oo uu ka galay wadankiisa, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Mawqifka reerkayagu ka taagan yahay khilaafaadka jiraa waxa weeye inaanu taageersan nahay wakhtigii ay komishanka doorashooyinku qabteen ee ahayd inay sannadka 1016-ka doorashooyinka Wakiiladda iyo madaxtooyadda dalka ka qaban doonaan. Qodobka labaad ee aanu halkan ka sheegaynaa in 26-ka June ee sannadkan marka la gaadho aanay dalka ka jirin dawlad sharci ahi, sababtuna waxa weeye xiligii la doortay ayaa mudadaas ku eg. Marka xilligaas la gaadhana nin waliba waxa uu doono inuu yeello ayay noqonaysaa, dalkuna wuu laabmayaa.”
 
Mid ka mid ah cuqaasha beesha xisbiga WADDANI ku abtirsado ayaa isaguna waxa uu si indho la’aan ah u cambaareeyay Golaha Guurtidda oo  dastuurku awooda u siiyay inay dalka ka badbaadiyaan dawlad la’aan haddii ay doorashooyinku dib u dhac ku yimaado “Go’aanka Guurtidda waanu cambaareynaynaa, waanu ka soo horjeednaa,  mana aha mid sharciyad ku salaysan ee waa mid Somaliland lagu burburinayo oo Guddoomiyaha Guurtidu  horsed ka yahay. Waxaan leeyahay Guurtiddu Somaliland wax marxalad ah kamay soo saarine iyagaa (Guurtidda) marxalad kaga soo gudbay oo shaqo ay u tahay,iskana  fadhiya meesha. Gole sharci ah maaha ee waa Gole murraad kale meesha u jooga,”ayuu ku tiraabay mid ka mid ah cuqaashii shirkaas jaraa’id ka hadlay.
Dhinaca kalena  ilo looga qaateen ah ayaa DAWAN u xaqiijiyay in Guddoomiye Cirro uu sheegay in aanay Somaliland ka dambayn doonin, haddii aan laga noqonin go’aanka Golaha Guurtidda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply