KULMIYE iyo UCID Oo Isku Waafaqay Heshiis Iyo WADDANI Oo Ka Baxay Natiijadii Wada Hadalladii Xukuumadda Iyo Xisbiyadda

0
370

Hargeysa(DAWAN):- Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID ayaa  mawqif  ay ku midaysan yihiin  ka sheegay in guul laga gaadhay wada hadaladii u socday Xisbiyadda Qaranka iyo Xukuumadda oo kulmadii u socday kii ugu dambeeyay xalay ku yeeshay Guriga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, halka Xisbiga labaad ee    mucaaridka ah WADDANI  uu dhankiisa tilmaamay in wadahadaladu burbureen.Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  Cabdirashiid Xasan Mataan oo ugu horrayn xalay markii kulanku soo dhammaaday warbaahinta  la hadlay ayaa sheegay in wadahaladu meel fiican marayaan isla markaana guul laga gaadhay waxyaabihii laga wada hadlayay waxaanu intaa raaciyay in ka xisbi ahaan ay ka aqbaleen codsi ka yimi dhanka Xisbi xaakimka iyo Xukuumadda oo ah in maalin iyo laba dib loo dhigo ku dhawaaqista waxa la isla qaatay. “Waxaaad la socoteen oo aad wada ogtihiin in Xisbiyada qaranka iyo Xukuumaddu uu u socday wada hadaladii ay gogoshooda dhigtay Xukuumaddu kuwaasoo meel wanaagsan maraya wax badana la isla qaatay waxaanan isla garanay in wada hadaladu noo sii socdaan  wax la isku diidan yahayna ma jirto.”
 
Cabdirashiid Xasan Mataan oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray  “Waxaa kaliya ee jira ee aan doonayo in aan warbaahinta u sheegaa waxay tahay markii  aanu wada hadalada ku heshiinay ee aanu wax isku wada raacnay sadexdayada  Xisbi Qaran-ba qolada Xukuumaddu waxay naga codsatay in ku dhawaaqista waxaa aanu ku heshiinay aanu  maalin iyo laba dib ugu dhigno oo aanu sugno taasoo ay noo sheegeen in ay labada maalmood ku soo dhamaynayaan wax kasta oo  kaga xidhan heshiiska aanu wada gaadhnay caawa(xalay) annaguna(UCID)ahaan waanu ka aqbalay maalin iyo labana waanu sugaynaa sababta oo ah waxaa laga hadlayaa waa masiirkii  ummadda.”
Mar Mursharaxa Madaxweyne Ku xigeenka UCID  la weydiiyay in wada hadaladu bur-bureen iyo sababta WADDANI uga baxay waxa uu  ku jawaabay “Wada hadaladu may bur burin waanay noo sii soconayaan balamo  dambana  waa la isugu imanayaa WADDANI-na   ka mid ayuu ahaa markii aanu wax isla wada qaadanay laakiin wuxuu ka baxay dalabkii Xukuumadda ee ahaa laba cisho na suga.”
 
 
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE  Maxamed Kaahin Axmed oo isna war baahinta la  hadlay ayaa  caddeeyay in wada hadalka Asxaabta iyo Xukuumaddu guulaystay   is afgaradna laga gaadhay,waxaanu intaa ku daray in waxay laba Xisbi Qaran isku raacaan ay  tahay  aqlabiyad. “Waxaan idiin sheegayaa wada hadaladii aanu maalmahan-ba  u socday asxaabta qaranka waxaa jiray aragtiyo ay ku kala duwanaayeen xisbiyada Mucaaridka iyo xisbi xaakimku wax badan ayaanu isla rog rognay aragti mid ah ayaannu isugu keenay oo aanu isku waafaqnay go’aankii aanu isla gaadhtay iyo  mawqifkii aanu isla qaadanay ayaa waxaa la soo jeediyay  in annaga(KULMIYE) xisbi xaakimka nala siiyo muddo yar oo kooban  intaanaan go’aanka jeedin sababtoo  arrinka aanu doonayno in aanu bislayno waa arrinta doorashooyinka oo  ay ku jirto muddo kordhintii guurtidu samaysay markaa  go’aanku saamayn badan ayuu dhinacyo badan ku leeyahay ta aanaan go’aankayaga u sheegaynina waxay  tahay isagoo annaga(asxaabta qaranka)  go’aankii aanu gaadhnay meel noo yaalla ayaanu garanay in meelaha badan ee uu saamaynta ku leeyahay intaanaan saxaafada marin in aanu  kala soo shawrno oo milgo ahaan naga mudan in aanu ku war galino.”
Maxamed Kaahin oo ka jawaabayay laba su’aalood oo nuxurkoodu kala ahaa waxa uu ka odhanayo  hadalka WADDANI ku sheegay in wada hadaladii bur-bureen iyo su’aasha labaad oo ahayd in Xukuumadda iyo xisbigeedu ka soo guureen halkii ay hore u taagnaayeen haddii  wada hadalku guul gaadhay,ayaa ku jawaabay “Wada hadal bur-buray ma jiro meel fiican ayuu noo marayaa,  wuu noo socdaa kulamo dambena waanu u balansanahay aqlabiyada asxaabta qarankuna waxay tahay halka ay laba xisbi isku raacdo,xisbiyada qarankuna arrimahooda iyagaa ka wada hadlaya oo ka tashanaya cid u soo gurmanaysa iyo cid ay u yeedhanayaan midna ma jirto cidda leh na soo kala dhex gala iyagaa malaha meel kale oo ay ogyihiin u socda laakiin cidna uma aanu yeedhan. ta labaad ma jirto meel gaar ah oo Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE u calaamadsanayd iyo xero gaar ah oo u xidhnayd ma jirto  laakiin arrimaha siyaasiga ah ee dalka Xisbiga  KULMIYE  wuxuu la wadaagaa asxaabta qaranka. ”
 
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa dhankiisa tilmaamay in wada hadalkii xukuumadda iyo asxaabtu bur-buray  oo uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.
“Waxaad ogtihiin in wada hadaladii ay xukuumaddu gogoshooda  lahayd oo lagaga wada hadlayay muddo kordhintii ay guurtidu samaysay,kulamadaas  noo socday intii hore way fiicnaayeen,  doodona waa la wada galay waxaanan filaynay in kulankayagan seddexaad uu heshiis ka soo baxo, laakiin kulankii wuxuu ku dhammaaday  is afgarad la’aan shirkiina wuu bur buray,”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
 
Mr. Cirro waxa uu dalbaday in beesha caalamku soo dhex gasho furdaaminta khilaafkan, isagoo arrinta ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo arrintaa xal ka gaysan karta in ay ka geysato  hadday yihiin saaxiibadayada aan ka imi ee KULMIYE iyo UCID iyo Xukuumadda hadday yihiin shacbiga reer Somaliland iyo beesha caalamkaba waxaan rejaynayaa annagoo u tudhayna shacabka in arrintaa si deg deg ah xal loogu helo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply