Xusuusta 27 Guurraddii Gudo-galkii SNM Ee Burco iyo Meerisyada Taariikhda Galay

0
2304

Hargeysa(DAWAN):- 27  sanno ka hor shalay  oo kale ayay oo ku beegnayd 27/05/1988-kii  ayay xoogagii mujaahidiinta SNM  ee qaybtii bari soo galeen magaalada Burco oo ay ku sugnaayeen ciidan cudud iyo awood badan oo ka tirsan xukuumaddii dhiigya cabka ahayd ee Siyaad Barre.
Waxay mujaahitiinta SNM ee soo galay gudaha magaalada Burco naftooda u hureen in ay dhintaan kana hor tagaan ciidan aanay awood ahaan iyo hub ahaan midna  aanay isu dhigmin iyagoo ku tallo-galkoodu ahaa in ay iyagu u shahiidaan xorraynta dalkooda iyo dadkooda,  kana dhiidhiyay gumaadka iyo xasuuqa lagu hayay dadkooda oo xilligaa  la  xarayn jiray labada duhurnimo wakhtigaa  wixii ka dambeeyana sida xoolaha ay qasab ahayd qofka la qabto.
Maalintan ayaa ka mid ah maalmaha  bulshada reer Somaliland ku weyn ee taariikhiga ah kana mid ah maalmihii halganka dib u xoraynta Somaliland ee mujaahidiintii SNM geerida ugu badheedheen kuna guddoonsadeen dhimasho iyo dhulkooda oo xorrooba waxaana maalintan iyo maalmo kale oo la mid ah ka dhashay suugaan taariikhda gashay oo ay curiyeen  hal,abuurka reer Somaliland ee maalintaa halganka ku bjiray ama goob jooga u ahaa.
Haddaba,  xusuusta gudo-galkii Burco ayaanu wax ka waydiinay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa saraakiishii Millatarigii   SNM  maalintaana ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminayay dagaalka waxaanu hadalkiisa ku bilaabay.  “Maalintaa 27 kii May ee 1988 kii maalintii ka horraysay  oo 26 kii ah ayay ciidankii SNM ee Burco soo galay  ka soo dhaqaaqeen magaalada Samatar Axmed,  waxaan wadanay dhawr iyotoban gaadhi oo tikniko ah shidaalka aanu sidanay wuxuu na gaadhsiinayay Burco  rasaasta aanu   sidanay galin ayaanu   ugu badnaan ku dagaalami karaynay,  laakiin rasaasta aanu ku tallo-galnay in aanu ku dagaalanaa waxay ahayd ta taalla xeryana ciidanka ee Burco sidii ayaanay u dhacday.”
Mar uu ka hadlayay siday  ciidanka SNM iyo ka ay weerarka ku yihiin ee Burco oo la odhan Jiray Gaaska Sadexaad u kala awood badnaayeen hub iyo tiroba ayaa yidhi.“Horta labada ciidan isumay dhigmayn tiro ahaan iyo hub ahaanba waxay Mujaahidiinta SNM ee maalintaa Burco galay tiradoodu ahayd kun iyo dhawr boqol waxaanay ka hortageen gaas dhan oo guutooyin  badan ka kooban.
Burco waxaa ku sugnaa guutooyin  ciidanka lugta ah,  guuto taangiyo ah, guuto madaafiicda goobta ah, guuto  lidka diyaaradaha ah iyo guutooyin kale oo badan tiro ahaana way nagu soo boqol goor laabmayeen,  laakiin waxaa la is dheeraa mooralka iyo tayada waxaa guusha SNM  keenayna waa mooralkii iyo waddaniyaddii aanu ku soo dagaal gallay ee laga wada midaysnaa sarkaal iyo dableba waxaanay ka mid ahayn maalmihii ugu farxadda iyo mooralka wacnaa ee SNM.”
Maxamed Kaahin waxaa uu intaa kudaray in uu isagu maalintaa ku sugnaa taliskii dagaalka laakiin ay gudagalka Burco wateen saraakiil  kale.”Maalintaa anigu waxaan joogay taliska  laakiin dagaalka waxaa hoggaaminayay Mujaahid Axmed Mirre iyo saraakiil kale  oo ay ka mid ahaayeen Xasan Cali Abokor.”
 
Dhinaca kale waxaa isna maalintaa dareenkiis iyo xusuustii lama ilaawaanka ahayd ee soo martay qoraal uu na soo gaadhsiiyay ku cabbiray Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi oo ka mid ah golaha deegaanka ee degmada Burco waxaanu ku bilaabay qoraalkiisa.
“Waxaan u Ducaynaynaa Dhammaan Mujaahidiintii ku shahiiday halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey SNM. 27/31 MAY 1988 Iyo Dhammaan wadanka oo dhan Gobanimada Somaliland waxa lagu waraabiyey dhiig ,waxaa u le’day Geesiyaal, Waxaa u ogoomoobay ubad badan. waxa ay 27May ku xardhan tahay kuna Suntan tahay Taariikhda Somaliland, Iyadoo Geesiyaashii SNM oo ay tageerayaan dadweyanaha Burco ayey afka ciida u dareen nidaamkii cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey shacaybka ,Cutubyo ka mida mujaahidiinta SNM ayaa ku waabariisteen guud Magaalada Burco.
Anigoo ahaa Xildhibaan Mubaarik Yuusuf (Bidhi) waxaan ahaa Mujaahidiintii ku biiray maalintaas jimcaha halganka SNM markaa iyadoo ay ka soo wareegtay sanadguuradii 27aad maanta 27May1988- 27/May2015 ayaan jeclaystay inaan idiin soo bandhigo Taarikhdii aan goobjooga ka ahaa Anigo marka hurdada ka toosay ayaan waxaan maqlay xabad meel fog ka dhacaysa waxay xabadi socotaba way soo dhawaatay dibada ayaan u soo baxay, waxaan dibada iyagoo taagan ugu imi Aabahay Marxuun Yuusuf Cilmi   iyo Dhamaan Mujaahidinti alle ha u naxriistee (Marxuun Yuusuf Cilmi) ku shahiiday Burco marki lagu jiray oo gacantayda ku aasay isaga mujaahid kale xaruntii gooncad Burco aan ku asay hog aanu qodnay aabahay iyo muhaahidkii kale.
Ciidankii SNM oo lugaynaya oo aan garanayo Qaar badan oo iskuul ahayn ka mid ahaa dhalinyardi 87 ku biray SNM ahaa iyagoo ku dhawaaqayey Kalmada Allaahu Akbar ee ay can ku ahayeen Mujaahidiinta SNM , dabadeed halkaas ayaan kala bilaabay waxay galeen saldhiga Burco oo aan naga fogeyn halkaas oo markiiba ay jebiyeen Store kii Hubka anigoo isla markiiba fulay Birtii calanku saarnaa dhulkana soo dhigay calankii faqashta ka dibna saaray Calnakii SNM ee Tawxiidka lahaa lana mid ahaa Calanka Somaliland iminka iyadoo halkaas dhaawac iga soo gaadhay fuulitaankii birta aan calanka SNM saaray.
 
 
 
.
 
Waxan ka mid noqday Cidanki Boliska laga sameeyay Burco , Hadaba iyadoo ay badnayd Maalintaa Qiimaha lahayd 27May iyo 31 May Xusuusteeda oo maanta Sanadguuradeedii 27aad ka soo wareegtay 27/May/1988 Waxaan u Ducaynaynaa Dhammaan Mujaahidiintii ku shahiiday halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey SNM. 27/31 MAY 1988 Iyo Dhammaan wadanka oo dhan Gobanimada Somaliland waxa lagu waraabiyey dhiig ,waxaa u le’day Geesiyaal, Waxaa u agoomoobay ubad badan..27May 1988 ayaa dhashay 18 May 1991” ayuu yidhi ku yidhi qoraalkiisa  Xildhibaan          Mubaarik Yuusuf (Bidhi)
 
Ugu dambayn xusuusta gudagalkii Burco iyo meerisyada Taariikhda galay aan ku soo afmeero Maanso la tiriyay 2/jun/88 lagana dhex tiriyay Burco oo uu dagaalku ka socdo waa naasogabay dheeg ah oo kana dheegan gabay Ismaaciil Mire tiriya xilligii daraawiishta. Gabay dheegan oo ka hadlaya tiradii ciidankii SNM ee Burco galay siday guusha u gaadheen halkii ay ka soo dhaqaaqeen iyo salad ay soo tukadeenba waxaan odhan karaa  waa mid  ka mid ah taariikhda lama ilaawaanka ah ee  maalintaa ka curatay iyo suugaan summad u ah guda galkii Burco oo ay ka soo wareegtay 27 sano.
 
Mansadan oo uu Tiriyay Mujaahid ka mid ahaa raggii maalintaa waday gaadiidkii dagaalka ee SNM oo lagu magacaabo Ismaaciil Maxamuud Aadan kuna magac dheer (Xeef) oo ku sugan magaalada Burco ayaa ku bilaabay.
 
Anagoo hub wada tiicaynoo
 
Samatar tuulaysan
 
Todobaatan unugoo.
 
Lamida toban kun oo ruusha.
 
Oo tuutihii wada xidhoo
 
Timuhu raamaystay
 
..Isna taliyihii faylin jiray.
 
Ma ugu tumay siidhi
 
Tawxiidka EEBBIYO.
 
Burdaha nalagu taataabay.
 
Tukashada ALLAA nagu lahaaye.
 
Faralka tuutaynay..
 
Yuudhiiga tahan gooska ahee.
 
Taliska noo jooga.
 
Sabaaxa taakinaayee.
 
Arlada mirir kutaamaaya.
 
Tiidhiigiyo kama maarano
 
Kuwa tiyootaha e.
 
Kii laga tagiyo .
 
Tirsan maayo.
 
Kaan wax ii tarayne.
 
Galabtaa taxaabiyo socod.
 
Toobiyaha qaadnay.
 
Taayir hore halkuu ku dhiciyo
 
Tii la maray diidnay.
 
Markii wankiyo tuuga.
 
Teebku xarad belay
 
Tumaatida raggaa kuula yimi.
 
Todobadii aroornimo.
 
Kolkay  faqashtii toostay.
 
Siikaa uu la taagiyo.
 
Tuurka kula yaacnay.
 
Madfac tiririg leeyiyo
 
Bambada teedu yeedhay
 
Tunwaynayaashii faqash
 
Iyo faalsolagu toogay.
 
Tuugii cadceediyo
 
Niman kale  iilka lagu tiiri. .
 
Toban suuga.
 
Toban saanad ah.
 
Toban shidaalka noo sida
 
Iyo tobanaan mahuraan ah.
 
Gacanta taabsiinay.
 
Hargeysana tolkaybaa galoo.
 
Taargidka u xidhaye.
 
Calankii ku taagnoo.
 
Waa kaa taabudee sudhane.
 
Tuf idhaha haddaan ina Siyaad.
 
Toob u galin waayo.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Leave a Reply