Boqoradda Britain oo Furtay baarlamaanka

0
311

Boqorada Britain Queen Elezabeth ayaa si rasmi ah u furtay barlamaanka Britain.
Waxay halkaasi ka jeedisay khudbad ay ku soo qaadatay qorshaha u dejisan dowladda cusub ee muxaafadka ah ee dhowaan la soo doortay.
Waxay sheegtay in Britain ay wadaxaajood ka geli doonto xidhiidhka ay la leedahaya Midowga Yurub, isla markaana la qabandoono afti ku aadan ka mid ahaanshaha Britain ee Midowga.
Waxa ay sheegtay in aftidaasi la qabandoono inta aan la gaadhin 2017-ka.
Boqoradu waxyaabaha ay ka hadashay waxaa ka mid ahaa canshuur dhimid iyo xaqa uu qofku u leeyahay in uu wax iibsado.
Rai’sal wasaaraha Britain David Cameron oo xisbigiisu ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii hore ayaa sheegay in uu abuuri doono shaqooyin, dalkana uu isu keeni doono.
 
 
 
 

Leave a Reply