Natiijada Hor dhaca ah ee Doorashada Itoobiya

0
302

Natiijada hor-dhaca ah ee doorashadii todobaadkan ka dhacday Itoobiya ayaa muujinaysa in guul kale oo aqlabiyad ah uu gaadhay xisbiga talada haya ee EPRDF.
Xisbigan oo uu hoggaaminaya Rai’sal wasaare Hailemariam Desalegn ayaa waxa uu ku gacan seedhay eedeyn uu soo jeediyey mucaaradka oo ahayd in la dhibaateeyey loona cagajugleeyey taageerayaashooda ka hor doorashada oo la qabtay axadii iyo isniintii aan ka soo gudubnay.
Guddiga doorashada ee Qaranka ayaa sheegay in ay doorashadu u dhacday si xor iyo xalaal ah.
Xisbiga EPRDF ayaa awooda hayey dalkaasi Itoobiya tan 1991-dii.

Leave a Reply