Madaxwayne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Wershad Cusub Oo Taayirada Sameynaysa

0
284

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylci)  ayaa shalay xadhiga ka jaray warshad cusub oo samaynaysa taayirada ay baabuurtu ku socdaan, warshadaas oo laga hirgeliyay galbeedka magaalada Hargeysa,  gaar ahaan deegaanka Malawle.
Madaxweyne ku xigeenku  waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay warshadan cusub ee lagu soo kordhiyay dalka, isla markaana ay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan maalgashiyada noocan oo kale ah, gaar ahaan maalgashiga muwaadiniinta reer Somaliland.
“Maanta farxad weyn ayay noo tahay, walaalkeen oo muwaadin ah oo dalka ku soo kordhiyay maal-gelin iyo fikrad cusub, in aynu u hambalyayno, marka labaad-na waxaan leeyahay ILLAAHAY ha u barakeeyo, hana ku guuleeyo oo ILLAAHAY ha gaadhsiiyo halkaa uu ka bilaabay meel ka sarraysa,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.
Md. Cabdiraxmaan  Saylci waxa kale oo uu intaa raaciyay “Haddii aanu nahay xukuumadda maanta joogta, waxaannu ku taamaynaa in la dhiiri-geliyo maalgashiga, gaar ahaan maal-gashiga muwaadininta, wixii awoodeenna ka baxsanna aynu soo jiidano maal-gashiga caalamiga ah,  sababta oo ah waddankeennu waa wadan curdin ah oo ay yaalaan fursado badan, markaa waxaa loo baahan yahay sidaa walaalkeen Yuusuf oo kale in lagu dhiirado abuurista fikradaha cusub ee aynu u baahan nahay.”
Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim  Cumar,  ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyay, waxaanu sheegay in warshadan cusub ee dalka laga furay ay tahay mid baahi weyn loo qabay, waxaanu yidhi “Warshadan aynu maanta furayno waa mid muhiim ah  oo aad loogu baahnaa, waa waxyaabaha aasaasiga ah ee innoogu badan. Wadankeenna waad ogtihiin sida uu gaadiidku ugu soo batay iyo baahida loo qabo Taayirada.”
“Marka la eego warshadaha dhiiri-gelintooda, xukuumaddu aad ayay u dhiiri-gelisaa warshadaha, waxa qalab halkaa yaala shay cashuur laga qaaday ma jiro, cashuur dhaaf ayaa loo sameeyaa, tasiilaad  badan ayaa loo sameeya,” ayuu yidhi Wasiirka wasaarada ganacsiga Dr. Muuse Qaasim  Cumar, waxaanu intaa ku daray “Sida aad ogtihiin ninkii maalgashanaya dalka, saddexda sannadood ee ugu horreeya waxaa loogu balan qaadaa oo loo sameeyaa cashuur la’aan, wax kasta oo uu keenayo waxaa loo sameeyaa cashuur dhaaf, markaa waanu ognahay muhiimada iyo ahmiyada ay leeyihiin warshaduhu oo waxaa ka dhasha shaqo abuur iyo dhaqaale koboc.”
Mulkiilaha warshadan cusub ee Taayirada Yuusuf Axmed Cali  Ducaale ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyay waxa yidhi “Xafladan furitaanka warshadan cusub ee Taayirada in badan ayaan ka soo shaqaynayay, waana ILLAAHAY mahaddii haddii uu maanta igu soo gaadhsiiyay guul iyo nabadgelyo.”
Mulkiile Yuusuf Axmed Cali  Ducaale waxa uu sharaxaad ka bixiyay kaalinta ay leeyihiin warshaduhu iyo halka ay dhaqaalaha kaga jiraan, waxa uu  yidhi “Warshaduhu waxa weeye waxyaabah ugu muhiimsan marka aynu dhaqaalaha ka hadlayno, waxa ay adduunyadu ku xisaabtantaa dalkaasi intee ayuu leeyahay wax soo saar iyo intee ayuu wax dhoofiyaa, marka aad wax soo saarto waxaad baajinaysaa lacagtii adkayd ee dalka dibadiisa kaaga baxaysay, waxaana halkaa ku jira dhaqaale korodhsiimo weyn.”
“Warshaduhu laba qaybood oo muhiim ah ayay u leeyihiin dhaqaalaha, waa marka koowaade waxa ay dalka u baajisaa lacagihii adkaa ee dalka dibadiisa uga baxayay, marka labaad waxa ay dalka soo gelisaa lacagta adag oo marka aad wax dhoofiso aad dibada wax kaga soo iibiso,” ayuu yidhi Mulkiilaha warshadan cusub ee Taayirada Yuusuf Axmed Cali  Ducaale, waxaanu intaa ku daray “Marka laga hadlayo koritaanka dhaqaalaha waxaa wax ka tarta wax soo saarka dalku leeyahay, sidaa darteed waxaa aad u muhiim ah oo dalkeennu aad ugu baahan yahay nidaamka warshadaha iyo warshadaynta, taas oo dabooli karta waxyaabo badan, waxay wax ka taraysaa xaga shaqo abuurka iyo dhinaca horumarka dalka.”
Mulkiilaha warshadan cusub ee Taayirada waxa kale oo uu ka warbixiyay wax-soo-saarka warshada Hargeysa Tyries Factory, waxaanu yidhi “Warshadani lix iyo tobankii saacadood-ba waxay soo saartaa 54 xabo ilaa lixdan xabo, waxaanu doonaynaa in aanu qabano mustaqbalka warshadayadan in aanu laban laabno wax oo aanu saddex jeer laabno wax soo saarkayaga. Runtii wax soo saarka warshadayadanna waxaa isticmaala dalal  badan oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, waxaa la geeyaa Jigjiga iyo kililka shanaad ee Itoobiya.”
Dhinaca kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Ugaas Cabdillaahi Cabdi Xasan (Xawaareeye), aqoonyahano, waxgarad iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaanay dhammaantood soo dhaweeyeen warshadan cusub, waxaanay bulshada iyo xukuumadan kula taliyeen in ay isticmaalaan taayirada ay warshadani soo saarto oo la iska daayo kuwa dibada.
By: Idiris M. Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply