Liintu Waxay Safaysaa Maskaxda,Soona Celisaa Xusuusta

0
319

Daraasad cusub oo dhowaan la sameeyey ayaa natiijadeeda oo lasoo saaray lagu sheegay in liinta oo maalintii la cabo koob ay keento inay soo celiso xusuusta,sidoo kalena hagaajiso xusuusta.
Waxaana sameeyey daraasadan khubaro ka socotay jaamacadda lagu magcabo Britain University of Reading,taas oo ay tijaabadeeda ka qayb qaateen 24 dumar ah iyo sidoo kalena13 nin,kuwaas oo da’doodu u dhaxaysay 60 ilaa 81 sanno.
Natiijada daraasadan ayaa muujisay in Chemicals laga helo liin macaanta,taas oo wareega dhiiga ka dhigta mid hab wanaagsan u wareega,sidoo kalena ka dhigta unugyada dhiiga kuwo si wanaagsan u shaqeeya,kana hortaga waxyaalaha sababa caajiska iyo maskax daalka,iyada oo yaraysa Signals ka khaladka ah ee ay maskaxdu dirto.
Khubaradan ayaa sheegay in Signals ka khaldan ee ay maskaxdu dirtaa inay keenaan khataro ku iman kara maskaxda iyo sidoo kale jidhka qaybo badan oo kamid ah ,kuwaas oo khal khal geliya unugyo kale oo badan oo maskaxduna ku jirto.
Dadka ku jiray tijaabada daraasadan ayaa ahaa kuwo caafimaad qaba ,iyada oo lagu amray inay cabaan maalintii Litir badhkii oo liin macaan ah ,waxaanay hawshaasi wadeen muddo 8 toddobaad ah.
Waxanaay khubaradan cilmi baadheyaasha ahi qiyaaseen sidoo kalena cabireen maskaxda dadkaasi tijaabada lagu samaynaayey ,iyaga oo bilawgiina eegay dhamaadkiina eegay,iyaga oo sheegay inay 8% noqotay mid saafi ah maskaxdu,waxaanay sheegeen inay iyaga laftoodu bilaabayaan cunida liin macaantaasi maalintii si joogto ah.
 

Leave a Reply