Nin 20 sano Ku Sugayay Istaanka Tareenka Gabadh

0
345

Nin u dhashay dalka Taiwan ayaa muddo 20 sano ah ku sugayay Saldhiga Tareenka gabadh uu doonayay inuu guursado. Ninkan ayaa diiday inuu ka tago ilaa uu la kulmayo gabadha uu doonayo oo mar uun ka soo degi doonta Tareenka.  Wakhtiyadii hore oo aan la dareemin wuxu ku dul wareegi jiray jarjaranada istaanka, taasi oo loo qaadan jira inuu qof soo dhowaynayo. Ninkan ayaa maalin kasta u fiirsan  jiray wejiyada rakaabka tareenka ka soo degaya. Waxaana la garan waayay gabadha uu sugayo halka ay joogto. Waxaa wakhtigan da’diisu gaadhay 47 sano, isagoo sida la cadeeyay goobtan yimi markii uu ahaa 27 sano.   Arintan ayaa dadka ku noqotay mid ay la yaaban iyadoo la cadeeyay in ninkani aanu maskax ahaan waxba qabin laakiin uu aaminsan yahay in gabadhiisu ay maalin uun tareenka ka soo degi doonto.
 

Leave a Reply