“Xisbiyaddu Codka Ha Ku Tartamaan Ee Yaynaan Safaaradaha Iska Dhigin Waraaqo Cadowgu ku Farxayo”

0
310

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr.  Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa xisbiyadda mucaaridka u soo jeediyay inay la yimaadaan barnaamijyo ay shacabka ku kasbanayaan, waxaanu ugu baaqay  in joojiyaan dacwadaha ay  ka faafinayaan.
Wasiir  Xaglo-toosiye waxa uu hadalkaas ka sheegay khudbad uu u jeediyay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka Swedan oo uu booqasho shaqo  ku joogo, waxaanu ku booriyay inay ka shaqeeyaan midnimadda Somaliland.
“Somaliland waa qaran waanay ka gudbtay wakhtigii qabiilka oo halgankii  SNM waa laga soo gudbay oo qaran iyo dal baynu nahay, waxa la rabaa markaa idinku inaad ogaataan maanta in aynu qaran nahay oo aynu qabiil ka gudbnay oo Lawyocado illaa iyo Yoocada in aynu dal nahay, aqoonsigeenana waxa kow u ah midnimadeenna, annagu haddii aanu dalkii joogno waanu midownay, qurbajoogoow idinkuna midooba oo is wata,”ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.
 
 
Saleebaan Xaglatoosiye oo la hadlyay mucaaridku waxa uu yidhi “Mucaaridkana waxaan leeyahay aynu ku tartano codka iyo dalka gudihiisa ee yaynaan ku tartamin qurbaha, dal baynu leenahay oo Siyaad Barre imika la dagaalami maysaan Madaxweyne Siilaanyona maaha Siyaad Barre ee ka daaya qoraalada aad Safaaradaha dhigaysaan, waxaad joojisaan Tv-yada iyo Idaacadaha aad dawlada ku cambaareynaysaan, dawlada waxaad ku dhaliishaan dalka guddihiisii oo haddi aad dhaliilaysaan warqad soo qora. Cadow badan baynu leenahay waanu ku faraxayaa marka uu arko innaga oo caytamayna oo is dacweynayna oo warbaahinta ka hadlayna.”
“Mucaaridkana waxaan leeyahay sidaad jeceshay in lagula dhaqmo markaad xisbul xaakim tahay ula dhaqan xisbul xaakimka hadda jira xilkuna waa meerto shalay UDUB  baa jooga,  maantana KULMIYE-yaa jooga, muhiimadana sii dadkaaga iyo dalkaaga oo codka ku tartan soona bandhig waxaad ku dhaliilayso Xukuumadda, oo soo bandhig waxaad kaga duwanaanayso xisbul xaakimka maanta jira ee aad dalka u qabanaysidm” Ayuu ku dooday Wasiirka Caafimaadku.
Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland dhibaatooyin iyo cadaalad darro kala kulantay israacii  1960-kii  ay kula midowday Soomaaliya, waxaanu yidhi “Taariikhada Somaliland waa taariikh aad u dheer, waxaanay bilaabantay 1884-kii markii guumaystihii Ingiriisku uu qaybta innoo helay ayay taariikhadaasi bilaabantay, dadkeennu waa dad qab weyn oo halganno kala duwan oo kala dambeeyay ayuu Ingiriisku la kulmay kuwo dagaal leh iyo kuwo af leh, 1960-kii baynu qaadanay xoriyada oo reer Somaliland haddii aynu nahay bahal caadifad la yidhaahdo ayuu ILAAHAY innagu saliday, caadifadii dhagaha iyo indhaha la’yd ayaa ina dhaxalsiisay shuruud la’aan in aynu Xamar ka degno, dabadeedna laba ill aa saddex Wasiir baynu helnay oo innaga oo leh Raysalwasaare, Wasiirro iyo Madaxweyne oo dal calan leh ah laba ilaa saddex Wasiir baa la ina siiyay, cadaalad darro xasuuq, dhibaato iyo yasid oo Soomaali qaldaan baa la inoo bixiyay.”
“Xadgudbyadii loo geystay reer Somaliland waxa ka aasaasmay SNM  oo bilowday halgan lagu saxayo khaladkii lixdankii oo dad badan baa dhintay oo hanti badanbaa burburtay, dad badan baa qaxay, laakiin 1991-kii 18 May ayaa khaladkii la saxay, 18 May maaha maalinta aynu xoriyada qaadanay ee waa maalintii la saxay khaladkii aynu galnay, 26-kii June baynu xoriyada qaadanay oo dal noqonay waan u ducaynayaa intiia khaladka saxaysay ee SNM ahayd oo ILAAHAY ha u dembi dhaafo, intii gobonimada dhalisayna ha loo duceeyo ee daraawiishtu ku jirtay. Waxase muhiim ah in khaladkii aynu lixdankii galnay aynaan dib u gelin, weynu aragnay khaladkii lixdankii aynu galnay qiimaha uu inoogu joogo inta qof ee inaga dhimatay, inta Nin ee la xidhay, inta dad qaxay iyo inta hanti duntay weynu garan karnaabaan u malaynayaa, khalad yar oo aynu galnay dhibka inaga soo gaadhay markaa khalad dambe yanaan dib u gelin, 18 Mayna taariikhadaas bay leedahay,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Wasiirka Caafimaadku.
By: Khaalid Xabsi
 Dawannews Hargeysa offiice

Leave a Reply