Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi oo laga Shiray

0
605

Saraakiil sar sare oo ka socda Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed, iyo Japan ayaa isku raacay kulan ay Arabacadii yeesheen inay u baahanyihiin in cadaadiska iyo cuna qabateynta ay ku kordhiyaan Kuuriyada Waqooyi, iyagoo dhinaca kale sii wadaya dadaalada diblomaasiyadeed ee ka dhanka ah barnaamijka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.
Sung Kim, oo ah ergayga gaarka ah ee Mareykanka ee siyaasadda Kuuriyada Waqooyi ayaa kulankan oo ka dhacay Magaalada Seoul ka dib sheegay in hanka iyo qorshooyinka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi uu yahay mid cad.
Wuxuu sheegay inay haboontahay inay ka walaacaan heer kasta oo ay marsiinayaan horumarinta hubkooda Nukliyeerka.
Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli Kuuriyada Waqooyi ay ku dhawaaqday inay hormar ka gaadhay barnaamijkeeda hubka Nukliyeerka.
Ma jirto cid xaqiijin karta sheegashadaasi.
Muddo sanado ah ayey Kuuriyada Waqooyi waxey ku goodineysay inay Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ku weerari doonto hub nuklear ah, haddii lagu soo gardaroodo.
 

Leave a Reply