Amiir Harry oo Dul fuushan Yaxaas 10ft ah

0
318

Amiir  Harry oo ka tirsan qoyska boqortooyada Ingiriiska  ayaa dul baxay yaxaas dhererkiisu yahay 10 fuudh mar uu dalxiis ku marayay  Australia bishii hore, waxaana sidaasi muujiyay sawirro cusub oo dhawaan la sii daayay.
Sida sawirka ka muuqata Amiirka ayaa dul fuushan yaxaaska oo inta labadiisa daan la isku geeyay xadhig gar ah lagu giijiyay, waxaana xadhigga kor u haya amiirka oo ku dul fadhiya yaxaaska.
Amiirka oo  soddon jir ah ayaa u muuqda mid si deggan ugu dul fadhiya yaxaaska oo dhererkiisu yahay  3.1m (10ft).
Amiir Harry ayaa gacan laga siiyay soo qabashadii yaxaaska oo laga soo saaray biyaha  Darwin Harbour.
Sawirada waxa sii daayay komishanka nolosha duur joogta ee  Northern Territory.
Erin Britton oo ka tirsan ilaalada duur joogta  ayaa sheegay inuu Amiirku sameeyay howl weyn oo qabasho yaxaas ah, kana caawiyay kooxda maaraynta yaxaaska soo saaristii yaxaaskaasi.

Leave a Reply