Midowga Yurub iyo Qorshaheeda Soogalootiga

0
358

Guddida midowga yurub ayaa ugu baaqay dawladaha xubnaha ka ah inay ka qayb qaataan muhaajiriin dhan 40,000  oo qof oo magangelyo doon ah oo soo gaadhay  Talyaaniga iyo Giriiga labadii sano ee u danbeeyay.
Sida uu dhigayo qorshaha ugu danbeeyay ee komishanka midowga yurub Germany, France iyo  Spain ayaa qaadan doona tirada ugu badan muhaajiriintaasi .
Waxa lagu soo waramayaa in 40 kun oo muhaajiriintan ah loo kala qeybin doona wadamada Yurub iyadoo la adeegsan doono qiyaas la jaan gooyey oo wadankiiba loo qoondeeyey.
Soogalootiga dib u dejinta loo sameyn doono waxa ka mid ah kuwa ku sugan dalalka Giriiga iyo Talyaaniga si waddamadan looga yareeyo culayska saaran.
Qorshaha ayaa waxa loo qoondeeyay dalalka Jarmani 8,763 qof in ay dejiso.
Faransiiska ayaa isna helaya 6752 muhaajir iyo Spain oo ay ku soo aadayso 4,288.
Waxa sidoo kale qorshahani barbar socda dib u dejinta 20 kun oo qof oo wadamada yurub iskood u ogolaadeen in ay dib u dejin u sameeyaan, dadkaas ayaa haatan waxay ku nool yihiin Dibeda Yurub.
Xukuumada Britain ayaa sheegaysa in ay adeegsan doonto xaqa ay u leedahay in ay isaga baxdo qorshahan.
Xoghayaha arrimaha horumarka caalamiga ah ee Britain ayaa sheegay in tallaabadan ay ku diirigelin karto soo galootiga in ay naftooda qatar geliyaan oo adeegsadaan doomaha aan wanaagsanayn ee ay doonayaan in ay ku soo gaadhan Yurub. Farasiiska iyo Spain ayaa sidoo kale dhaleeceeyey qorshahan.

Leave a Reply