Badda Cas Oo Laga Helay Jasiiraddo Cusub

0
328

Waxa dhowaan laga helay badda Cas meelo kamid ah jasiirado yar yar oo cusub,kuwaas oo aan hore loo ogayn, waana laba jasiiraddo oo cusub,kuwaas oo u dhow meesha la yidhaahdo Zubayr ee wadankaasi Yemen, waxaanay tani soo baxday markii kooxo kormeer ku maraayey halkaasi oo ku kormeeraayey diyaarado ay arkeen jasiiradahaasi.
Jasiiraddahan ayaa la sheegay inay yihiin kuwo uu ka buuxo Folkaanaha dabka loo yaqaanaa, kaas oo laga cabsi qabo inuu dhowaan qarxo,waxa kale oo la sheegay in aan hore si fiican loogu baadhin, waxaana baadhitaanadan sameeyey kooxo baadheyaal ah, kuwaas oo si nasiib ah dhulkaasi baadhitaano dhanka hawada ah ugu samaynaayey, waxaanay si kedis ah ugu soo bexeen labadaasi jasiiradood, waxaanay kooxahani sheegeen in jasiiradahani yihiin kuwo uu ku jiro Folkaano badan oo khatar ahi.
Khubaradan ayaa sheegay in jasiiraddahani yihiin kuwo bed ahaan iyo dherer ahaanba dhan 10 Km, kuwaas oo gebi ahaantoodba ah Folkaano.
Ugu dambayna waxay soo bandhigeen sawiro ay kasoo qaadeen oo muujinaaya jasiiradahaasi iyo sidoo kalena qiiq badan oo ka baxaaya oo ah Folkaanaha ku jira, kaas oo ay ku sheegeen inuu yahay mid joogto usoo baxaaya, marba marka ka dambaysana soo badanaaya.
 
 
 
 

Leave a Reply