Xikmadaha Dadkii Wanaagsanaa

0
2048

Nin ayaa  maalin u yimid sheekh Xasan Al-Basri oo ahaa taabiciyiinta ka danbaysa Nebiga (scw) , waxaana uu waydiiyay sababta aanay aduunyadu agtiisa qiimo ugu badan ugu lahayn sirta ku jirta?
Sheekh Xasan Al-Basri ayaa ugu jawaabay:-
1- Waxaan ogaaday in risqigayga cidna iga qaadaan karin, markaa qalbigaygu wuu degay oo xasilay.
2- Waxaan ogaaday camalkeyga inaan qof kale ii sameeneynin (Salaada, Soonka iwm), markaa aniga ayaa ku mashquulay.
3- Waxaan ogaaday in allaah (sw)  i arkaayo, sidaasi darteed waxaan ka xishooday inuu macsi igu arko.
4- Waxaan ogaaday in geeri i sugeyso, waxaana aad dadaal ugu jiraa sidaan sahay ugu diyaarsan lahaa la kulanka rabbi.
 

Leave a Reply