Qisada : Qabrigii Istalin Amray In La Qodo

0
615

Sanadkii 1405 M, waxa geeriyooday hogaamiyihii ciidan Tymorlank, kaasi oo ka tegay boqortooyo ballaadhan oo ku fidsanayd koonfurta bari ee Turkiga ilaa xuduuda China. Waxa lagu aasay Qabri ku yaala magaalada Samarqanda.
Waxaaana lagu qoray qofkii qabrigan taabta waxa ku dhacaya nacadal, qofkii xumaan ula badheedhana waxa ku dhici doona dagaal uu ku baabo’.
Sidaas darteed ma jirin qof taaban jiray muddo qarniyo ah, ilaa la soo gaadhay wakhti ay culimada aasaarta ee Ruushka qabrigaasi fureen iyagoo amar ka haystay Madaxweynihii wakhtigaasi ee Ruushka Joseph Stalin sanadkii 1942, Stalin ayaa doonayay in lafihiisa loo soo qaado Mosco si loogu aaso xabaalaha ay ku aasan yihiin geesiyaashii kale ee Ruushka ah sida  Alexsandar Neviskie iyo Bojariski iwm.
Warbixinaha qaarkood ayaa sheega in Culimada aasaartu ay u fureen qabriga markii ay  maqleen in gudihiisa ay ku jirto kayd weyn oo dahab ah. Odoyaasha da’da ah iyo culimada diinta ayaa ka digay in la qodo qabriga  Tymorlink iyagoo sheegay inay halis tahay arintaasi. Waxase aan dhegaysan aqoonyahanada  aasaarta qadiimiga ah baadha.
Kooxda furtay ayaa go’aanasaday in qabrigaasi la qodo bishii June 20, sanadkii 1942.  Markii ay fureen waxay kala kulmeen ur xoogan oo ah waxyaabihii la mariyay maydka. Waxa kale oo ay gudihiisa ku arkeen qoraal  carabi lagu qoray oo ah:” Qofkii fura qabrigayga waxa weeraray ku cabsi badan ku abuura” , waxa kale oo qaab naqashadaysan loogu xardhay “ Markaan qabriga ka soo baxo caalamku wuxu geli argagax “ .
Kooxda qodaysay qabriga ayaa arinkaasi waxba ka soo qaadin qoraalkaasi, laakiin laba maalmood ka dib markii lafihii Tymor la keenay Mosco, Jarmalka ayaa bilaabay weerarkii caanka ahaa ee Barbar Ruusiya kaasi oo ahaa Hujuun xoogan oo ku dhacay Ruushka.
Wuxu Jarmalku gaadhsiiyay khasaare weyn oo dhinaca dadka iyo qalabka ah , wuxuuna qabsaday dhul ballaadhan oo Ruushka ah.
Markii arimihii dagaalku isu dhabqeen ee Ruushku cabsiyi ku gedaaman tahay ayuu xusuustay mid ka mid ah kooxdiii hogaaminaysay furista qabrigii Taymor oo lagu magaacbi jiray Kiyomof qoraalkii qabriga , waxaan uu arinkii qoraalka Tyomor gaadhsiiyay Marshal caan ahaa oo ciidanka Ruushka ka tirsan laguna magacaabi jiray Jockof. Marshal Jockof ayaa arinkii gaadhsiiyay Stalin, isla markaasi ayuu Istalin amar ku bixiyay  in lafaha Tymor lagu celiyo qabrigiisa loona aaso sida islaamku qabo.  Waxaan arinkaasi dhacay iyadoo dagaalkii caaka ahaa ee Leningarad uu marayo halkii ugu halista badnayd.
Ka dib markii la aasay ee qabrigiisa lagu celiyay iyadoo sida Islaamka loo aasay ayuu is bedelay dagaalkii Ruushka iyo Jarmalka. Waxaana la sheegay in dagaalka guushiisu u janjeedhsatay dhinaca Ruushka oo uu dib uga qabsaday dhulkii uu hore Jarmalku u haystay. Waxa uu gaadhay guulo is daba joog ah ilaa uu ugu danbaystii soo gaadhay Berlin caasamadii Jarmalka ee Hitler fadhiyay oo uu calankiisa cas ka taagay xaruntii Rayistag ee Hitler. Waa qiso ay dad badani aaminsan yihiin inay ahayd furaha guushii Ruushka ee dagaalkii labaad inkasta oo ay jiraan dad arinkaasi diidan.

Leave a Reply