Ban Ki Moon oo cambaareeyay South Sudan

0
383

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ayaa cambaareeyay tallaabada South Sudan looga caydhiyay ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaasi.
Toby Lanzer, oo ah muwaadin u dhashay dalka Britain, islamarkaana ah madaxa howlgalada bini’aadamnimo ee Qaramada Midoobay ee dalkaasi South Sudan, ayaanan loo sheegin wax sabab ah oo dalkaasi looga saaray.
Qiyaastii 50 kun oo qof ayaa lagu dilay colaadda ka taagan dalkaasi, halka in ka badan labo milyan oo qof ay guryahooda ka qaxeen.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray in Toby Lanzer, oo u qaabilsanaa Qaramada Midoobay arrimaha bini’aadamnimada ee dalkaasi South Sudan uu xudun dhexaad u ahaa la tacaalidda baahida dadka ee sii kordheysa ee dhanka bini’aadamnimada.
Waxa uu ku baaqay in si deg deg ah looga noqdo go’aanka lagu eryay Mr Lanzer.
Qiyaastii boqolkiiba 40 dadka South Sudan ayaa u baahan gargaar, iyadoo ilaa iyo labo milyan oo qof ay horayba uga carareen guryahooda kaddib kacdoon dalkaasi ka bilowday oo dalka galiyay dhibaato 18-kii bilood ee la soo dhaafay.
Xoogag daacad u ah Madaxweyne Salva Kiir, ayaa waxa ay dagaal kula jiraan fallaago taageersan Madaxweyne ku xigeenkii hore Riek Machar, waxaana ay dagaaladaasi sababeen in labada dhinacba lagu eedeeyo in ay ku kaceen tacadiyo isugu jira dil wadareed, jir dil iyo kufsi.
Beesha caalamka oo horay si weyn u taageertay madaxbanaanida dalkaasi muddo haatan laga joogo saddex sano, ayaa hadda walwal ka muujinaysa qalalaasaha ka taagan dalkaasi iyo dib u dhaca ku yimid wadahadaladii nabadda.
Qaramada Midoobay ayaa ka gaabisay in ay cunaqabateyn ku soo rogto siyaasiyiinta muhiimka ah ee South Sudan, balse waxaa jiray dadaalo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu todobaadyadii tagay ku doonayay in lala xisaabtamo hogaamiyayaasha dalkaasi.

Leave a Reply