Sharciga argagixisada USA oo waqtigii uu ka dhacay

0
389

Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa waxa uu ku guuldareystay in uu mudadda u kordhiyo sharciga ka hortaga argagixisada, kaasi oo u ogolaanayo Hay’adda Ammaanka Qaranka in ay si ballaaran uga uruuriso muwaadiniinta Mareykanka xogahooda dhanka taleefoonada.
Xildhibaanada Sanate-ka ayaanan isku raacin in wakhtiga loo kordhiyo sharciyada la socodka dadweynaha, iyadoo qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga aanay u suuragalin in ay ka tanaasulaan go’aanka ay ku diidan yihiin in muddada loo kordhiyo jiritaanka sharciyadani.
Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa ku tilmaamay natiijada ka soo baxday kalfadhigii golaha Sanate-ka mas’uuliyad darro, wuxuuna ugu baaqay in dhinac la iska dhigo ku tiirsanaanta axsaabta si xaaladda si deg deg ah loogu saxo.
Shuruuc cusub ayaa laga yaabaa in la meelmariyo maalmaha soo socda.
Tallaabada lagu diiday in sharciyadaasi muddada loo kordhiyo ayaa waxa ay u muuqataa in ay guul u tahay xildhibaan Rand Paul oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga isla markaana hoggaaminayay ololaha looga soo horjeedo in la basaaso taleefoonada dadka.

Leave a Reply