Mararka qaarkood aadamigu wuxu sameeyaa arrin yaab leh oo ka baxsan nidaamka caadiga ah, taasi oo aan haddana wax dhib ama xanuun ah aan ku keenayn isag naftiisa.
Nin u dhashay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Li Hongxiao ayaa ku galay buugga Geniuska qiyaas ah in ilkihiisa uu ku qaadi karo 23 kursi oo ka samaysan loox muddo dhan 11 daqiiqo. Ninkan ayaa dhaaafay qiyaastii hore loogu qaaday ilkaha oo dhamayd 14 kursi oo loox ah.