Madaxweynaha Somaliland oo Booqasho ku Tegay Xarumaha Lagu Hayo Qaxoontiga Yemen ka soo Cararay

0
400

Berbera (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo booqasho ku jooga magaalada Berbera, ayaa shalay booqaday ku tagay xarumaha Xukuumaddu ugu tallo gashay dadka qoxoontiga ah ee ka soo barakacay dagaalada dalka Yemen, waxaanu Madaxweynuhu sheegay inay masuuliyad iska sareen soo dhaweynta u gegaarida qoxoontigan.
 
Madaxweynaha iyo weftiga ku weheliya socdaalkiisan, ayaa kormeerkoodan ku saabsana u guur gelida xaalada dadka qaxoontiga ah iyo sida loola macaamilo iyo waliba soo indho indhaynta mashaariicda horumarineed ee dekeda laga wado.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in xil iyo waajib ka saaran yahay Somaliland soo dhawaynta iyo daryeelida qaxoontiga ka soo cararay dagaalada Yemen.
“Aad iyo aad baannu u soo dhaweynaynaa qaxoontiga dalkayaga yimid ee ka soo cararay dhibaatooyinka ka dhacay Yemen, waajib bay nagu tahay oo xil na saaran weeyaan oo xil weyna waannu iska saarnay sida masuuliyiintii hore yidhaahdeen in aannu dadka qaxoontiga ah soo dhaweyno, inaannu u ambabixino oo meelahoodii gaadhsiinno, waxaannu u qaban karnana aannu la qabano. Waxa aannu kala hadhaynaana ma jirto Insha Allah,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
 
Wasiirka Wasaarada Wasaaradda Dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa Madaxweynaha uga warramay sida loola dhaqmay qaxoontiga, waxaannu sheegay in hay’adaha caalamiga ah iyo hay’ada dawliga ah ee ay khusayso arrintan ay si fiican uga wada shaqeeyeen, waxaannu yidhi; “Aad bay farxad noogu tahay haddaanu nahay Wasaaradihi iyo, madaxda gobolka ee ka wada shaqaynayay arrimaha qoxoontiga ee aad u xil saartay inaad nagu soo booqatay meelihii dadka qoxoontiga ah lagu soo dhaweynayay ee aad ugu tallo gaashay in lagu soo dhaweeyo dadka qoxoontiga ah, ee ka yimid dhibaatada ka dhacday dalka aynu jaarka nahay ee Yemen.
Md.  Madaxweyne waxa jira xaruntan iyo  xarun kale oo labadaba loo sameeyay oo loo diyaariyay oo hay’addaha deeqada bixiya ee UNCHR,  IOM  iyo hay’addo la mid ahi ay naga caawiyeen oo ay dib-u-habayn noogu sameeyeen, dhismayaashana iyo goobta hore maamulka gobolka Saaxil iyo degmaduba ay keeneen. Runtii waxa weeyaan dad ilaa 4,000 qoxoonti ah oo soo galay ilaa iyo intii Yemen dagaalku ka dhacay, dadkaasi badankoodu waxay ahaayeen 70% dad u dhashay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, dhammaantoodna si wanaagsan baa loo gacan qabtay oo loo soo dhaweeyay, hadday tahay maamulka dawlada dhexe, hadday tahay madaxda gobolka, hadday tahay maamulka degmada, hadday tahay hay’addaha gobolka Saaxil jooga dhamaantood iyo hadday tahay shacabka Gobolka Saaxil si wanaagsan baa loo soo dhaweeyay oo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa deeqda bixiyaa wey nagala qayb qaateen.”
Wasiirka Dib-u-dejintu waxa uu sheegay in dadkii Soomaaliya ka soo jeeday ee qaxoontiga ee ka soo cararay rabshada Yemen badankoodii la geeyey degaannaday u dhasheen ee dalka Soomaaliya, waxaannu yidhi;  “Dadkan si wanaagsan baa loo ambabixiyay oo cid walba waxa la geeyay gobolladii ay u dhasheen ee ka soo jeedeen ee Somaliya. Saakana (shalay) waxa la ambabixiyay oo halkan laga diray subixii hore in ka badan 200 qoysa oo loo ambabixiyay dhinaca Soomaaliya oo ah dadkii u dhashay dalkaa, imikana waxoogaabaa jooga inta joogtana waa la ambabixinayaa oo wey sii socdaan. Madaxweyne waxaannu kugu mahadnaqaynaa sida wanaagsan ee aad dadkaa qoxoontiga ah ee dhibaatadu ku dhacday aad noogala shaqaysay ee iskukaaya bar-bar taagtay ee hiil iyo hooba iskulayaaka bar-bar istaagtay, waannu kaga mahad naqaynaa.  Waxa jiri doona xarun saddexaad oo la samayn doono, Madaxweyne waatannu mar yara hakinay innaga oo arrimaha ammaanka iyo  duruufo yimid oo qoxoontiga waa tii aynu hakinay, waadigii amar nagu siiyay in aannu qoxoontigii dib u furno waanu furnay, in qoxoontiga Soomaaliyeed iyo kuwa jinsiyadaha kale ee mushkiladu hayso dhammaantoodba dawlada Somaliland inay soo gacamo furan ku dhaweynayso oo hiil iyo hooba la garab taagan tahay. Madaxweyne waxaynu khibrad ku leenahay oo qaranka Somaliland iyo bulshadiisuba khibrad u leeyihiin qoxoontinimada iyo duruufaha dhibaatadu waxay leeyihiin, sidii aad noo sheegtay ayaanu mid walba ku fulinay.”
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa sheegay in ay dedaal u galeen sidii ay u qaabili lahaayeen qaxoontiga tirada badan ee maraakiibtu ka soo daabulayso dalka Yemen, waxaannu yidh;“Halkan dedaal badanbaa naga galay, markii hore waxay ahayd xarun si kale u qaabaysan oo dib loo dayactiray waana halkii ugu badnayd ee aan isugu keenay 1,200 ee qoxoontiga ah, markii halkani ay buuxsantayna kaam labaad baannu u furnay oo hoosta ah,   kaas baana imika noo shaqeeya oo aannu ugu diyaar garawnay sidaan ugu soo dhaweyn lahayan dadka qoxoontiga ah anaga oo fulinayna amarkaagii oo tusaalahaagii raacnay.”
Geesta kale waxa uu Madaxweynuhu kormeer ku tegay Dekeda Berbera si uu u soo kormeero mashaariic horumairneed oo ka socda, iyagoo ay masuuliyiinta dekedu uga warrameen sida ay hawluhu u socdaan.
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maamulka Dekeda Berbera ku bogaadiyey  horumarinta ay dekeda ka wadaan, isagoo ugu duceeyey in hawsha ay hayaan Alle ku guuleeyo.
Mareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa Madaxweynaha u sheegay in hawl culus oo dib u casriyeyn ah dekeda ka socoto oo wejigii 2aad ee dhismaha dekadu dhammaad ku dhaw yahay.
“Halkan (Dekeda) hawl culus baa ka socota Madaxweyne waa kordhintii Dekeda oo adeegeedaanu kor u qaadaynaa, qaybtii labaadbaa imika dhammaad noogu jirta oo qaybtan dhammaanaysaa waa laba Hiktar iyo badh, dhammaadkeeduna wuxuu qaadan doonaa ilaa toddoba maalmood oo dambe, laakiin waxa noo fursad ah shaqadii oo socota inaad aragto oo hawshu baaxada ay leedahayna inaad aragto, waxaan Madaxweyne kula socod siinayaa hawshan shaqaalaha Dekeda ayuunbaa qabta, marka u horaysa waxa la dhigaa Madaxweyne 600 CM oo carako kaawo ah oo aad u adkaa oonu ka soo qodno haamaha shishadooda, waannu dhignaa oo tijaabinaa culayska ay qaadi karto,” ayuu yidhi Mareeyaha Dekeda Berberi.
Eng. Cali Xoor-xoor wax auu sheegay in dekedu ballaadhan doonto, isla markaana dhaqaale badan dalka ku soo kordhin doonto. “Waxaannu ugu tallo galnay in Koontiinaradu dhammaantood halkan toos loo keeno markay meeshani dhamaato, waxaanu ugu tallo galnay inaan kula ganacsano walaalaheena reer Itoobiya, Wasaarada Maaliyada meel fiican bay noo marasyaa Madaxweyne oo hawshaasina dhakhso inay inooga dhamaato ayaanu rajaynaynaa, waxaanan rajaynaynaa inay da’yartu shaqo ka hesho oo hawshii maalgelintna guddida anigu aan ku jiro meel fiican bay inoo maraysaa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply