‘ Nimanka Xamar joogaana waar qoxoontigaa badda ku soo jiray ee soo socday ee daalan ee maatida ah ha siyaasiyadaynina"

0
410

Berbera (Dawan) –  Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in Soomaaliya gurmadka iyo qaabilaada ay Somaliland u fidisay dadka qaxoonti ee ka soo barakacay dagaalada dalka Yemen ka socda, isagoo farriin adag u diray masuuliyiinta Muqdisho ka taliya.
Wasiir Cukuse oo shir jaraa’id ku qabtay shalay magaalada Berbera waxa uu Soomaaliya uga digay in aanay sheegan Dekeda iyo dhulka Somaliland.
“Horta arrinta u baahan in aynu caddayn ka bixino waa; Somaliland siday u arkaysay qoxoontiga ka imanaya Yemen, horayso iyo dambaysaba, haddii ay soo dhexgaleen tushuush yar soo dhaweyntii ay Somaliland qoxoontigaasi soo dhaweysay, qaabilaadii ay sida wanaagsan u qaabishay iyo taakulayntii ay Somaliland sida wanaagsan u taakulaynaysay oo hadal soo dhexgalay amma in yar oo tushuush ahi yimid waxa uu ka yimid oo sababteeda ugu weyn leh waa Soomaaliya iyo masuuliyiinta Muqdisho fadhiya ee siyaasadeeyay ee halkaa siyaasad ka dhex dayay oo iyadoo qoxoontigaasi tiraba 5,000 ee aan sheegayo 3,000  la qaabilay yidhi anagaa u fasaxnay Dekeda Berbera, anagaa u fasaxnay Dekeda Muqdisho, Somaliland haddii aynu nahay nimankaas oo keliya inta aynu u jawaabno maynaan aamusin ee cadhahadii waxay in yari ka soo gaadhay daqiiqado in la hakiyo Doon ama Markab, laakiin wax dhibaato ah oo la gaadhsiiyay ma jirto. Nin yar oo Kamarad siday ayaa saddex qof inta uu codkooda duubay faafiyay. Nimanka Xamar joogaana waar qoxoontigaa badda ku soo jiray ee soo socday ee daalan ee maatida ah ha siyaasiyadaynina, ha ka daynina oo naftiinana been ha u sheegina , iyagana ha carqaladaynina safarkooda, oo ha sheeganina dekedo aydaan xukumin, ha sheeganina dal aydaan  xukumin oo faanka iska daaya,” ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu
“Waxaad xukuntaan haddiibay ay jirto inaad wada xukuntaan magaaladaa Muqdisho, magaaladiinaa Muqdishana cidaad ku soo dhaweynaysaana ku soo dhaweeya, meel kale oo aydaan xukumina maba xukuntaane iska daaya, anaguna waxaannu ka hadalkaa ka raaligelinaynaa qof kasta oo Somaliland ah oo is yidhi arrintaasi may sidaa si ka duwan u dhacdo ama qof kasta oo is yidhi halkaa ka faa’iidayso, waxananu leenahay halkaa faa’iido kuma jirto. Annagu Soomaalida Itoobiya iyo Carabta oo qoxoonti kasta waannu soo dhaweynaynaa, kuwaa Soomaaliya jooga ee madaxda u ahna ogaada baannu idin leenahay dadkaa qoxoontiga ahow kuwa cadowga idiin ah ee Deked iyo xuduud aanay lahayn kudul loolamaya ee siyaasad ka dayaya waa kuwaa baannu idin leenahay, kuwa cadowga idin ahi, ee maaha gacantan labada sacab idiin dhigtay ee idin soo dhaweynaysa ee idin xanaanaynaysa,” ayuu yidhi Md. Cakuse.
Md. Cukuse waxa sidoo kale oo ka waramay booqashada Madaxweynuhu ku tagay xarunta ay degan yihiin dadka qoxoontiga ahi, waxaanu yidhi  “Waxa kale oo uu Madaxweynuhu soo booqaday kaamkii ay ku soo degeen ee lagu xanaanaynayo marka dambena laga ambabixiyo qoxoontiga ka soo cararay dagaalada Yemen, waxaanu ku amaanaynaa magaca Xukuumadda sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay qoxoontigaasi iyo sida wanaagsan ee loo ambabixiyay, iyadoo 5,000 ee Qoxoontiga ahba marka laga reebo dufcdan u dambaysay intooda kale ay Somaliland iskeed u qaabilaysay, iskeedna iyadu u ambabixinaysay oo dadkaasi taakulaynta ay ku gaadhayaan guryahooda oo hadday noqon lahayd intay halkan joogaan siday kulaylka iskaga caabiyi lahaayeen iyo nolosha adag ee badda oo ay maalmo ku soo jireen intaba.”
Dhinaca kale Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse waxa faahfaahin ka bixiyay ujeedada booqashada Madaxweyne Siilaanyo ku tagay Berbera, waxaanu yidhi  “Ujeedada ugu muhiimsan ee ugu weyan  ee Madaxweynuhu  u yimid Berbera, ka sakow inuu indho-indhaynayo xaalada, deegaanka, guud ahaan gobolka iyo magaalo xeebeeda Berbera oo ay ku taalo Dekeda ugu weyan dalka inuu u kur gelayo hawlaha iyo mashaariic hore oo u socday oo Madaxweynuhu hore u dhagax-dhigay iyo la xisaabtan inuu eego mashaariicdaasi wax ka qabyo ah iyo wax ka fulay, waxa uu Madaxweynuhu u yimid inuu furo Laab casri ah oo loo sameeyay haamaha shidaalka Berbera. Wixii ugu mudnaa waa dalka oo horumar sameeya oo Xukuumaddnina horumarkay ku sutan tahay, wixii ugu mudnaa waa derejadii ciidamada ee la bixiyay, wixii ugu mudnaa waa lacagta oo laga bedelay gobolada bariga oo Sheekh wixii ka shisheeya lagama aqoonin lacagta Somaliland iyo amniga dalka oo la sugay oo Xukuumaddu muddadii ay talada dalka haysay ku faanayso in nabadgelyada dalkani ay sugan tahay. Wixii ugu mudnaa waa horumarka Wadooyinka Ceerigaabo ilaa kuwa Boorama tegaya, wixii ugu mudnaa waa mushaharka shaqaalaha oo kor loo qaaday, wixii ugu mudnaa waa tirada shaqaalaha oo laba jeer la kordhiyay, wixii ugu mudnaa waa Wasaaradaha oo xarun kasta oo loo dhisay guri dabaq ah iyo xafiisyo, wixii ugu mudnaa waa tababarka iyo aqoonta tirada badan ee la bixiyay iyo waxbarashada bilaashka laga dhigay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply