Wasaarada Waxbarashada Oo Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Ugu Baaqday Inay Qaataan Shilinka Somaliland

0
389

Hargeysa (Dawan) Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa dugsigayada gaarka loo leeyahay dalka u soo jeedisay in lacagta fiiga ah ee ardayda ay waxbaraan ay ku qaataan shilina Somaliland, si wax looga qabto kor u kaca sarifka lacagta dollarka.
Sidaa waxaa lagu sheegay kulan ballaadhan oo si wada jir ah ay shalay isugu yimaadeen Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane Faarax Cilmi Geedoole, wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Mudane Dr.  Muuse Qaasin Cumar, wasiiru-dawlaha wasaarada maaliyada Mudane Cismaan Saxardiid Cadaani,  agaasimaha guud ee baanka Somaliland mudane Cabdillaahi Xasan iyo mulkiilayaasha iskuulada gaarka loo leeyahay.
Agaasimaha dugsiyada gaarka loo leeyahay ee wasaarada waxbarashada Mudane Muuse Ganbadh oo ugu horrayn kulankaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulankaaasi waxaany yidhi ”maanta munaasibadan waxa aanu isugu kiin yeedhnay in shilinka Somaliland ee baaba’ay dib loogu soo celin lahaa qiimihi uu lahaa, kitaabka quraanka ah xaashiyihiisi waxa ay daadsan yihiin waddooyinka, qofkii toban doollar haystaana kun jeer ayuu eegayaa inuu  ka dhacay iyo in kale, markaa waxaynu nahay Somaliland oo shilinka ayaa inala walaalo ah oo inala dhashay, isaga ayaa wax inoo ah, markaa haddii aanad naftaada qiimayn, tukalena qiimayn meysid.”
Agaasime Muuse Ganbadh waxa kale oo uu intaa ku daray “shilinkeena markaynu kor u qaadno ee aynu cisayno ,ee aynu wax noolayno ayuu isna noolaan karaa, muritidu markaa waxay tahay waar maanta shir horena waa la galay, shir labaadna waa la galay, kanina waa mid inaga inoo gaar ah, markaa dugsiyada gaarka loo leeyahay halka ay wax ka bilowday wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, markaa maanta culeyska ina haya waa ta qaadka ee hadana dumisada ah oo afar boqol oo kun oo doolar ayaa habeen walba wadanka ka baxa ,iska daa waxaynu dhoofino iyo waxaynu soo dejinee ,waana ta islaan walba maqribka markay gaadho doolar u badelanayso ee aanay seexanayn kalsooni la’aan ay ku qabto shilinka. taana ehelkeedi ayaa gabay inagaa shilinka u ehel ah inaga u dad ah inaga sameysanay ,markaa maanta intii ugu tunka weyneyd baa fadhida,  markaa waxaan idinkula dardaarmaya inaad shilinkiina qiimo u yeeshaan oo aad fiiga caruurta laga qaadayo aad Somaliland shilin ka dhigtaan.”
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Prefesore Faarax Cilmi Geedoole ayaa isaguna madashaashi ka hadlay, waxaanu tilmaamay in sababta meeshan laysugu yimid ay tahay sidii looga arinsan laha shilinkan Somaliland ee uu doolarku meesha ka saaray, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay isaga oo arrimahaaska hadlaya “Arrinta madashan loo miyi waa arrin ka socota ganacsiga ,wasarada maaliyada ,baanka waana arrin qof kasta oo inaga mid ahi dareensan yahay dhibta ay inagu hayso ,aniga musharkaygii markii imika lacagtu sidaas u kacday ugu yaraan 400, oo Doollar ayaa ka go’ay oo shilin baan ku qaatay, waanan dareemayaa dhibtaas , macalinkii lacagta loo kordhiyay ee aad garanaysay lacagtii marka ay kor u kacday isna dhibaato aad u weyn ayaa ka heysata, markaa imika Ingiriiska marka aad tagto waxa laygu siinaya gini ,layguma siinaayo dolar ,ma isticmaalo oo lacagaha kale baananka ayay yaalaan ,inagana waad aragtaan oo kunka doolar ee la soo diray kunkii dolar oo sidiisiiya ayaa lagu siinaya waana  siyaasada qaribtay  ee ay maanta lacagteeni dhulka la gashay una maleyn maayo maanta mid inaga inaga mid ahi inuu jecel yahay doolarka ,markaa waxa aynu jecelahay inay lacagteenu ay qiimo yeelato “
Prefesore Faarax Cilmi Geedoole, waxa kale oo uu intaa ku daray “Hadaba qaabkii ay qiimaha inoogu yeelan lahayd inaynu ka wada tashano oo ay inagu hagto wasaarada maaliyada iyo wasaarada ganacsigu ay inagu hagaan sidii lacagtaa loo xakamayn lahaa ee ay u noqon lahayd  mid wax ina tarta oo lagu isticmaalo qiimaheeda ,markaa sababta aanu idiinku yeedhnay waxa ay tahay wasaarada maaliyada iyo wasaarada ganacsigu in iskuulada gaarka loo leeyahay ay ka wada hadlaan arrintan Saadka iyo  Doolarka sidii Somaliland Shilin loogu badeli lahaa, waxaanan balanqaadayaa in si fiican laysula qaadan doono arrintan aynu ,maanta madashan isugu nimid.”
Wasiirka wasaarada ganacsiga Somaliland mudane Muuse Qaasim ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu sheegay in laysla qaatay in shilinka Somaliland la isticmaalo loona baahan yahay in la fuliyo wasiirku isaga oo arintaaska hadlaya waxa uu yidhi “waxaan mar labaad idinka codsanaya maadaama aad tihiin mulkiilayaashi iskuulada gaarka loo leeyahay inaad ardayda aad fiiga kaga qaadaan shilinka Somaliland ,sidoo kalena waxaan idinku boorinayaa inaad bilowdaan oo aad fulisaan qaadashada shilinka Somaliland ,wareegtadiina waanu soo saarnay waana sharci inla dhaqangaliyaa cidkasta oo ay khusaysana waa ay ogtahay , waxaa aanu idiinku yeedhnayna waa in hada aad dhaqangalisaan oo aad hada bilowdaan oo ardayda aad shilinka Somaliland kaga qaadaan lacagta feega ,waayo waa astaanteeni qaran lacagta Somaliland waxaanay la mid tahay calanka waxay la mid tahay distoorka.”
Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada mudane  Cimaan Saxardiid Cadaani ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “waxaan garan waayay marka aynu dhibaato dadkan ku socota aragno waxa aynu u fahmi weyno ,dhiig-baxbaa Somaliland ku socda ka taajirka ah iyo ka dawlada ah iyo ka askariga ah ee wadanka jooga ,dhammaantood dhiig-baxbaa ku socda ,miisaaniyada qaranka Somaliland waa 251-Milyan oo doolar ta dhexe waa 180-Milyan oo doolar miisaaniyadii qaranka aanu u dejinay ,markaa  laba arrimood suurta galimayso oo is qaban mayso inuu dalki dabaqado yeesho waana waxaan caqliga galayn inay qolana doollarka gurato, kii shilinka Somaliland qaadanayay ee reerkiisa biilka uga dhigaayay iyo kii dhakhtarka ilaalinaayay ee meel walba joogay in wixii uu qaadanaayay aanay waxba goynayn, laba isgali kara noqon mayso.”
Wasiirul-dawluhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyay oo uu yidhi “ wadamada jaarkeena oo dhan waxa wax lagu kala sariftaa waa lacagta uu wadankaasi leeyahay oo astaamaha dawladnimo iyo qaranimo ayay ka mid tahay lacagta wadanku leeyahay, inagu wadan Maraykanka ka tirsan ma nihin ee waxa layna yidhaahdaa Somaliland ,markaa hadaan dhiig-baxaa la joojin waxaa hubaala inaan dugsina furnaanayn,  inaanu dhakhtarkuna furnaan doonin ,waxa hubaala inaan ciidamaduna aanay sidan ku sii shaqaynayn, hadii aynaan shilinkeena  roodhida ku iibsan oo aynaan shaaha ku iibsan macno inoo samayn, markaa wixii farsamo ah ee la garan waayo waa la isla eegi doona ,shuruucbaanu ka soo saareynaa, shuruucdana cid aanu baryaynaa ma jirto, waxaanu  aragnaa inay imika qaranimadii Somaliland halis ay ku jirto waxaanan leeyahay ILLAAHIINA ka yaaba oo kii ladanow u danee ka aan waxba haysan ee muwaadinka ah ee ilmahaaga iskuulka la dhiganaya,  doollarku maraykan buu u tayoobayaa ee ilmaadeerayaal ka hawl-gala sidii shilinkiinu qiimo u yeelan lahaa.”
By : Khadar M. Xaahi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply