Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynihii Hore Ee Kenya Oo Ka Wada Hadlay Qadiyadda Somaliland Iyo Xaaladda Mandaqada

0
383

Nairobi (DAWAN): –Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  Siilaanyo iyo  Madaxweynihii Hore ee Kenya Daniel Arap Moi ayaa ka wada hadlay qadiyada Somaliland iyo sidii uu gacan uga gaysan  lahaa  hoggaamiyaha hore ee Kenya aqoonsi ay beesha caalamka ka hesho  Somaliland.
Wada hadalka Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Daniel  Arap Moi  ayaa ka yimi ka dib markii uu safiirka Somaliland ee dalka Kenya Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe) uu Moi ku booqday gurigiisa, isla markaana  uu khadka talefoonka ku xidhiidhiyay labada hoggaamiye.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliand iyo madaxweynihii hore ee dalka Kenya waxaa  kale oo ay ka wada hadleen xaalada  mandaqada iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya  iyo sidii halkaa looga sii wadi lahaa.
Dhinaca kale, Danjire Cali Salaan  oo booqasho sharafeed ugu tegay Madaxwaynihii hore ee dalka Kenya ayaa uga mahad celiya sida wanaagsan ee uu u soo dhaweeyay, waxaanu  guddoon siiyay saddex neef oo xoolo ah iyo  filimo muuqaal ah oo ka hadlaya taariikhda Somaliland iyo halka ay maanta marayso.
Kulanka ay wada  yeesheen  Daniel  Arap Moi iyo denjire Cali Shombe ayaa  ka mid ah  dedaallo dublamaasiyadeed oo kor loogu qaadayo qadiyada Somaliland oo lagula kulmayo madaxda kala duwan ee caalamka iyo hoggaamiyeyaasha taariikhda ku leh dalalka qaaradda  Afrika .
Xukuumadda Somaliland, ayaa ku hawlan ka midho dhalinta aqoonsi caalami ah oo  dalkani ka helo beesha caalamka, si taas  loo suuro-galiyana  dawladda Somaliland, waxay awoodda saartay in caalamka lagu yeesho saaxiibbo badan oo gacan ka geysan kara aqoonsi raadinta Somaliland.
Daniel  Arap Moi  ayaa ah hoggaamiye Afrikaan ah oo caalamka aad looga tix-geliyo qaadina kara farriinta aqoonsi raadinta Jamhuuriyada Somaliland, iyo waliba in ay Somaliland beesha caalamka ku yeelato saaxibo cusub.
Waxay hore Xukuumadda  Somaliland iyadoo ka duulaysa kasbashada  hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika maamuuska ku leh  iyo siyaasiyiinta madaxda ka soo noqday dalalka Afrika waxay wefti wasiirro ahi kulan    aad muhiim u ah kula yeesheen caasimadda dalka Itoobiya ee Addis –ababa  Madaxweynihii hore ee dalka Nayjeeriya Olusẹgun Obasanjo.
Wasiirrada Arrimaha Dibbadda iyo  Madaxtooyada  ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan oo kulan saacado qaaday   la yeeshay Olusẹgun Obasanjo ayaa kala hadlay sidii  uu gacan uga gaysan lahaa ka midho dhalinta  qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland.
Obasanjo ayaa dhankiisa  ku ammaanay Somaliland horumarka ay samaysay iyo halka ay marayso waxaanu balan qaaday in uu gacan ka geysan doono aqoonsi raadinta Somaliland.
Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ayaa dedaal dheer ugu jirta  kasbashada beesha caalamka waxaana marba soo kordhaya  diblamaasiyiinta caalamiga ah ee xambaaraya qaddiyadda Somaliland waxaanay xukuumaddu intii ay talada haysay qadiyada Somaliland ka dhaadhicisay oo aqoonsaday Somaliland goleyaal deegaan oo ka tirsan boqortooyada dalka Ingiriiska.
Faysal Xiis Weerar (Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply