Cudurka Ku Dhaca Marinka Dhiiga (Blood Vessel Disease)

0
802

Cudurka marinka dhiigga waxaa loo yaqaannaa cudurka dhuumaha ugu sarreeya ama cudurka halbowlaha. Waa cidhiidhi gelinta marinnada dhiigga ee ku jira uur ku jirta, lugaha iyo gacmaha. Cudurka marinada dhiigga waxa keena xaydh isbiirsatay oo loo yaqaan xaydh “plaque” oo marinada dhiiga cidhiidhi gelisa. Marka ay marinnada dhiiggu cidhiidhi noqdaan, dhiig uu ogsijiinku ku yar yahay ayaa qaybaha jidhkaaga gala. Tani waxay sababi kartaa dhimashada unugyada yar-yar iyo unugyada waaweyn ama dhimashada unugyada jidhka. Cudurka marinnada dhiiggu waa sababta horseedda in qayb jidhka ka mid ah la iska gooyo.
Calaamadaha Cudurka Marinka Dhiigga ee Uur ku jirta, Lugaha iyo Gacmaha.
Murqo xanuun, wajac ama casiraad

  • Maqaar qabow, oo midab la’, gacmo iyo cago qabow
  • Maqaarka oo midabkiisu buluug-guduudan noqdo iyo ciddiyaha gacmaha iyo cagaha
  • Xanuun waqti dheer qaata in uu ku dawoobo ama marka toxobta laga diiro, madow ayey u egtahay
  • Timaha lugaha oo baaba’, cagaha ama suulashada
  • Miyir beelid ama dhiig garaacid la’aanta lugaha ama cagaha
  • Xanuunka jimicsiga oo taga markaad nasato
  • Haddii aad leedahay mid uun calaamadahaas, u wac takhtarkaaga si laguu Baadho Arrimaha Halista ah Halis sarreysa ayaad ugu jirtaa cudurka marinka dhiigga haddii aad:
  • Sigaar cabto
  • Aad sonkorow qabto
  • Da’daadu ka weyn tahay 45
  • Aad leedahay kolostarool ama dufan sarreeya
  • Leedahay dhiig-kar sarreeya

Xubin qoyskaaga ka tirsan uu qabay cudurka marinka dhiiga ama Wadnaha Aad u buuran tahay

  • Aadan firfircoonayn Daryeelkaagu

Cudurka marinka dhiigga waxaa looga hortagi karaa ama hoos loogu dhigi karaa doorashooyin caafimaad leh oo ay ka mid yihiin:

  • Ha lagaa cabbiro dhiigga.
  • Sanad kasta takhtarkaaga booqo.
  • Sigaar ha cabin ama tubaako ha isticmaalin.
  • Maalin kasta jir-dhis samee.
  • Cun cunto dufanku ku yar yahay buunshuhuna ama faybar ku badan yahay.
  • Maaree isku-buuqiddaada ama qulubka.
  • Daryeelkaaga waxaa kale oo laga yaabaa in ay ku jiraan daawo iyo qalliin.

Xigasho mareegaha arrimaha caafimaadka.

Leave a Reply