Guddida Musdambeedka WADDANI Oo Guddoomiye Cirro Faray Inaanu Iska Casilin Xilka Golaha Wakiiladda

0
404

Hargeysa (DAWAN)- Guddida Musdambeedka ee jaan-gooya siyaasadda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa Guddoomiye Cirro  ugu baaqay in aanu ka degin xilka Guddoomiyenimadda Golaha Wakiiladda haddii uu hirgalo heshiiskii saddexda xisbi qaran ay dhawaan  ku soo afjareen khilaafkii ka dhashay dib u dhaca doorashooyinka.
Guddida mus-dambeedka oo iskugu jira  Ganacsato iyo siyaasiyiin ka soo wada jeeda ardaaga Guddoomiyaha WADDANI ayaa shir ay dhawaan yeesheen, waxa  ilo ku dhow-dhow xisbigaasi ay ku warameen inay soo jeediyeen in  aanu Guddoomiye Cirro  iska casilin xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo ay ku doodeen inuu  u yahay biriish uu caalamka kula xidhiidhayo iyo il dhaqaalle oo uu xisbigiisa uga faa’iidayn karo.
Go’aanka Guddiga ugu sareeya xisbiga WADDANI waxa uu meesha ka saarayaa inuu Cabdiraxmaan Cirro ka dhabeeyo balan-qaadkiisii la xidhiidhay inuu iska casilayo xilka Golaha wakiiladda, haddii la muddeeyo xiliga ay doorashadu qabsoomayso, arrintaasina waxay nusqaan ku tahay Shakhsiyadiisa, maadaama oo aanu marna ka run sheegaynin waxyaabaha uu balan-qaado.
 
Md. Cabdiraxmaan Cirro   waxa uu  xisbigiisa ka nooleeyay miisaaniyadda Golaha Wakiiladda oo uu ugu tagri falo si shakhsi ah, waxaana dhaqdhaqaaqyadda WADDANI laga maal-geliyaa miisaaniyadda Golaha oo uu si fool xun ugu tagri falo.
 
Saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI Iyo UCID ayaa dhawaan heshiis ay kala saxeexdeen oo afar qoddob ka koobnaa waxay ku sheegeen in doorashooyinka Wakiiladda iyo madaxtooyadda dalka laga qabto badhtamaha Bisha December ee sannadka 2016-ka, iyadoo Golaha Guurtiduna ganafka ku dhufteen heshiiskaasi oo ay ku sifeeyeen mid ka hor imanaya dastuurka dalka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply