Xafladda Shaydaanka Ee Shiinaha

0
439

Dadka magaalada Phuket ee Shiinaha aya sameeya sanad kasta xaflad ay ku dhibaateeyaan naftooda. Xafladan ayaa ah mid ay sheegaan inay Shaydaanku ku eryayaan iyagoo dhiig kaga keena jidhkooda.  Waxaana aya jidhka geliyaan qalab sida midada ah leh kaasi oo caaro dhuuban oo xanuun leh.
Malaayiin dad ah oo ka taga Thialand iyo goobo kale oo dunida aya u daawasho taga munaasabadan aan naxriist lahayn ee miyir beelka ah.
Xafladan Shaydaanka oo loo yaqaan xafaldii Nabaadka ayaa la qabtaa bisha sagaalaad ee bilaha Dayaxa iyagoo hirgelinaya caadadii hore ee dadkii bilaabay.
 
Dadka magaalada ayaan cunina hilibka digaaga, mana cabaan khamriga. Waxay ay dadkani aamisan yihiin marka ay dhigayaan xafladan inay ciqaabayaan Shaydaanka isla markaana ay ka eryayaan magaladooda. Waxa kale oo ay rumaysan yihiin in magaaladooda arrinkani usoo jeediyo barwaaqo iyo nasiib wanaagsan. .
Arrimaha kale ee naxdinta leh waxa ka mid ah iyagoo sameeya inay kabo la’aan ( cagaag) ku dul socadaan dhuxul ololaysa iyo inay koraan salaano jidhkooda jeexjeexaya. Waana ariimo ay ku ciqaaban jidhkood oo dhiig badan kaga keena. Goobaha jidhkooda ka daloosha ayay geliyaan bastoolad ama midiyo iwm.
Waxa kale oo ay aamisan yihiin raga arintan samaynaya inay tani u keenayso inay noqdaan geesiyaal nolosha u adkaysta oo wax kasta u jilib dhiga kara. Caadadan ayaa soo taxnayd inta la ogyahay ilaa sanadkii 1825 , waxaana uu socda muddo toban maalmood oo isku xiga.
 

Leave a Reply