Nin Shalay Lagu Dilay Hargeysa Iyo Booliska Oo Qabtay Gacan Ku Dhiiglihii

0
378

Hargaysa(Dawan) Alle ha u naxariistee hal qof  ayaa shalay ku dhintay muran  la sheegay  inuu ku saabsanaa dhul oo ka dhacay xaafada masalaha ee magaalada Hargaysa.

Nin dablay ah ayaa toogasho ku dilay  marxuumka uu  magaciisu ahaa Cabdi Cismaan Cali oo loo yaqaanay Cabdi Naano.
Taliyaha booliska Sareeye Guuto  Cabdilahi Fadal oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in ay ciidamada boolisku gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii oo uu haatan ku jiro gacanta booliska.
Muranka dhulka ayaa Somaliland sababa  iska hor imaadyo dhimasho iyo dhaawac geysta.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply