Wasiir U Dawlaha Maaliyada Oo Walaac Ka Muujiyay Lacagaha Qalaad

0
393

Hargaysa (Dawan):Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland Mudane Cismaan  Saxaradiid Caddaani  ayaa walaac   ka muujiyay dhibaatadda ay bulshadda ku hayaan lacagaha qalaad gaar ahaan doollarka  taas oo uu sheegay in ay  meesha ka saartay isticmaalka shilinka Somaliland, isla markaana dhibaato xoogan ku haysa guud ahaan bulshada.
 
Wasiir dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid Caddani oo ka hadlayay  kadib kulan xarunta wasaaradda maaoiyadda kula yeesheen maamuleyaasha iyo mulkiilayaasha dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee dalka ayaa ka dayriyay isticmaal la’aanta lacagta shilinka Somaliland.
Mudane Caddaani waxa uu ka waramay faa’iidada ku jirta in dal kastaa uu isticmaalo lacagtiisa iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la isticmaalo lacagta shilinka Somaliland.  “Dhiig bax baa Somaliland ku socda, ka taajirka ah, ka dawlada ah iyo ka askariga ah dhiig bax baa ku socda. Sidan ay wax u socdaan maaha noolow, waa dhiigbax saameyna ku yeelatay bulshada oo askariga foranta joogay wixii yaraa ee la siinayay markay waxba u tari waydo ee macallinkii mushaharkiisi carruurtiisi waxba u jari waydo, ninkii shaqaalaha, miisaaniyaduna si kastoo loo krodhiyo, ma fadhiisanayso, haddii aan waxba laga qaban lacagta doolarka oo qof kastaa shillinka iyo lacagtiisa isticmaalin” ayuu yidhi wsiirku.
 
 
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Annagu ma nihin gobol ka tirsan dalka Maraykanka, waxaanu nahay dal madax banaan oo Somaliland la yidhaahdo, oo dalalka deriska kala mida isticmaalka lacagtiisa. Hadday tahay Ethiopia, Jabuuti, Kenya, dalalkaasi oodhan waxay isticmaalaan lacagtooda oo ta kowaad ah.
Haddii aynaan biyaha, roodhida, baydhkii raashinkii, intaba aynaan ku iibsan shillinkeena ma noqonayno ummad, ummaduna waxay tahay, isticmaalka lacagta dollarku dadkeeni waxay ka abuuraysaa in ay dabaqado yeelato, dowlad ahaan iyo dal ahaanba marnaba ma ogolaanayno in dalkeena dabaqado yeesho”.
Wuxuu sheegay  wasiiru  dawlahu waxaa uu ugu danbeyn fariin u diray ganacsatadda dalka.  Waxaanu yidhi “Waar waxaanu leenahay dollarkan in raga qaar ay iska gurtaan oo danyartuna ku bakhtido, oo ay ka dhego adeygaan isticmaalka lacagtoodii annaggu dowlad baanu nahay, ganacsataddana ma baryeyno, shicibkana ku eegi mayno ee waxbaanu ka qabanaynaa, waxaan leeyahay waar ka daaya ganacsigiina lacagta dollarka oo isticmaala lacagtiina.
Dhamaanteen waa inaynu hareeraha qabanaa oo arrintani maaha mas’uuliyad u taala wasaaradda maaliyadda  oo keliyaata oo waa mas’uuliyad u taala qof kasta oo reer Somaliland ah in la isticmaala lacagteena iyo shillinkeena.”
Dawannews Hareysa office
 

Leave a Reply