Wasaaradda Shaqadda Oo Dejisay Siyaasadda Xuquuqda Caruurta

0
438

Hargeysa (Dawan)  – Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, ayaa soo bandhigtay qorshe lagu dejinayo siyaasada qaranka ee xuquuqda ay caruurtu leeyihiin, kaas oo ay Wasaaradu soo diyaarisay.
Kulan socon doona laba maalmood oo shalay ka qabsoomay magaalada Hargeysa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, hay’addaha ay wadashaqaynta leeyihiin iyo masuuliyiinta Wasaaradaasi.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa sheegay in Wasaarad ahaan dejiyeen siyaasad cad oo  lagu hago xuquuqda ay caruurtu leeyihiin “Waxaynu ka hadlaynaa waxa weeyaan siyaasad in aynu u dejino caruurteena, xuquuqdooda, wixii loo tari lahaa, wixii waajib ku ahaa qaranka iyo dawlada, waalidka iyo cida kaleba in waajibaadka uu leeyahay  ilamaha caruurta ahi in siyaasad uu leeyahay halkan uga dejino islamarkaana aynu sharci u samayno, waxay ila tahay hawl badan la inoogama baahna sidaad idinkuba sheegteen oo idinkaa muddo ka soo shaqaynayay aad baanan idinku mahadcelinayaa. Maanta (shalay) waxa weeyaan axadhkii, axadhka waxa la yidhaahdaa marka wax la soo dhameeyo waxna laga saarayo, haddii wax dheeraad ahi jiraan waxna lagu kordhinayo hadday u muuqato.” Ayuu yidhi Dr Cabdi Aw Daahir.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada waxa kale oo uu sheegay in xeerkan ay u gudbinayaan golaha Wasiirada iyo baarlamaanka, waxaanu yidhi  “Afkaaraha aad is weydaarsan doontaan labadaa maalmood, waxay ila tahay intaad hawl qabataan bay noo fududaanaysaa hawshu markaanu geynayno golaha Wasiirada ama baarlamaanka  oo markaasay inoo fiicnaanaysaa, waana in aynu door fiican ka qaadanaa labadaa maalmood. Waan idinka mahadcelinayaa inaad kulankan ka soo qaybgashaan.”
Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee Wasaarada shaqada Luul Aadan Geedi ayaa sheegtay inay muhiimtahay hirgelinta xeerka caruurta, waxaanay tidhi “Waa arrin muhiim ah, maxay caruurtu xuquuq leeyihiin iyo maxay xaq u leeyihiin, qof kasta oo ka mid ah daneeyayaasha caruurta waa xeerka uu raacayay, waa xeer loo baahan yahay la hirgeliyo iyo siyaasada lagu hagayo caruurta.”
Dhinaca kale masuuliyiin ka socday hay’addaha ay wadashaqaynta leeyihiin Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo kulankaasi ka hadlay  ayaa sheegay  xeerkani u ahmiyad u leeyahay mustaqablka caruurta.
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply