XANUUNKA KU DHACA WADNAHA – Q5aad

0
724

waxaad ogaataa oon intaasoo dhan inaad fahanto ugala jeedaa in qofku wadna xanuunkiisa kaga hortagi karo ama kaga bogsan karo kalyihiisa oo uu ilaaliyo,waxaana ay ku badan tahay dumarka oo wadno xanuun kasokow ay ku keeni karto macdan xanuun ilayn ragu malaha macdan sidaa usii wayne.
Markaa hadii aad wadno xanuun leedahay ama kalyo xanuun dawadaadu waa xidhiidh joogto ah oo aad la yeelato dhaqtarkaaga iyo biyo badan oo aad cabto iyo jimicsi kugu haboon oo aad samayso, miisaankaaga oo aad dhinto iyo xaalada guud ee caafimaad oo aad la socoto.
Markii aan kasoo hadalay ee aan sheegnay in caafimaadka guud ee xubnaha loo yaqaan uur-kujirta,ay yihiin kuwo si toosa xidhiidh dhaw ula leh wadnaha,sida kalyaha,beerka,sanbabka,iyo caloosha,ee aynu waliba nidhi waxaa waqtigan casriga ah la isku yidhaa family heart ayaa waxaynu si khaasa u sheegnay in macdanta dumarku tahay tan ugu wayn ee keeni karta halis hadii ay xanuun khaasa leedahay,inagoo hadaba halkaa maanta kasii amba qaadayna ayaynu leenahay “waxaa macdanta dumarka lagu tilmaamaa xubin si joogto ah u bukta iyadoo loola jeedo sida ugu dhaqsaha badan ee ay xanuuno ulasoo darsaan,taasi oo marka ay ruuxa dumar ahi qaan gaadhoba la kowsata cilad iyo casiraad ku timaada macdanteeda hoose,sababtoo ah waxa uu dhiiga caadadu yahayba,walxo iyo shayo dhintay oo diyaar u ahaa inay qaabilaan kuwoodii lab ee ay u baahnaayeen,markaa hadii ay waayaan waxaa ku imanaya gubasho iyo dhimasho waxaana jidhku iskasoo qashin saaraa bishiiba mar ama laba, waxaana shayadaasi dhintay leeyiniin sunta ugu khattarsan ee ilaa imika la ogyahay caalamka taasi oo hadii ay la fal gasho dhiiga caadiga ah ama ay si toosaba kuugu raacdo shay markaa arrinkaagu yahay xanuun aan bogsasho lahayn,waayo ilaa imika lama hayo shay la dagaalama jeermiska dhiigan la socda oo muquuniya,waxaana maanta jira dhakhaatiir rumaysan in cudurka dilaaga ah ee aydiska jeermiskiisa dhaliya ee loo yaqaano HIV uu kasoo bilaabmay isla falgal ay isla falgalaeen jeermiskan caadada la socda iyo ka ayga carabkiisa la socda kadib markii ay sidaa sameeyeen naago xunxuni,taasi oo dhalisay in ilaa maanta aan loo hayn dawo isagoo ka kooban nijaas iyo qudhun tan ugu xooga wayn, waxaana diinta islaamku ka istaagtay mawqif adag. iyadoo diintu ina fartay khaasatan iyadoo raga amartay inay ka dheeraadaan dumarka xiligan ayna daahirka ahayn,iyadoo ujeedadu tahay wixii xidhiidh galmo ah.taasi oo rasuulka maxamed ahi s.c.w sida xadiis lagasoo wariyay “wuxuu mid nacdali ku dhacday ku sheegay ninka xaaskiisa u taga iyadoon daahir ahayn.” Waxaana waliba loo baahan yahay in cilmiga dhaqan ama diineed ee dumarka sare loo soo qaado si ay si habsami ah oo cilmiyaysan ugu maamulaan hawshan iyadoo waliba ay dumarku ku kala nooc iyo qaab duwan yihiin sida ay caadadu ugu dhacdo.taasi oo markasta oo waqtiga ay daahirsanayso iyo waqtiga ay wali caadadii sii jirtaa ay tahay mid ku xidhan xaqiiqda xaaladeed ee ay isku aragto,waxaana kolba la arkaa sidii gabadhu ay tirsanaysay oo wax iska badaleen,taasi oo maanta hawshan ta ina galisayna ay tahay arrinta caafimaad darro iyo waxyeelada wayn ee dhici karta marxaladan xaydka marka ay ku jiraan dumarku hadii aanay maamulka iyo tartiibta loogu talo galay aanay u qabsoomin hawluhu,iyadoo xanuuno badani markaa soo darsaan ayuu hadana wadno xanuunku kow ka yahay xiligan taasi oo aad arkayso in dumarkeenu 83% ka cabanayaan wadno xanuun oo aad arkayso in markasta wadnaha la haysto oo ay bilaa awood dareemayso,mar cilmi baadhis lagu sameeyay arrintan waxaa la ogaaday in ay sababta wadno xanuun ee dumarka ee ugu wayni salka ku hayso laba arrimood oo kala ah tan aan sheegayno ee la xidhiidha xubnahooda macdanta,iyo sportes la,aan aanay haba yaraatee dumarku wax dhaqdhaqaaqa oo badan lahayn iyagoo aad arkayso inay wax walba rabaan in fadhiga loogu keeno oo xattaa ay hawshii guriga cid kale oo shaqaale ah u adeegsanyaan,{intaasi waa iga canaan}waayo waxaa dumarka looga baahan yahay inay helaan jimicsi ku filan oo jidhkooda kala saarta si ay u dhismaan muraqyada yaryar iyo kuwa waawayn ee jidhku waxaana maanta halis galin kara gabadh kasta hadii aanay lahayn jidh u bartay hawsha in ay ka dhaqaaqi kari waydo wadnaha oo ay markaaba daasho ama xanuuna kaleba lasoo darso hadii ay waliba miisaankeedu kordho sida xidadeeda oo subagooba kadibna dhuudhuubta oo xaydhi gasho ama dhiiga oo xinjiruhu ku bataan i.w.m.
 
Lasoco Qormada danbe
Xigasho: Qormooyin uu qoray Sh.Jaabir
 
 
 

Leave a Reply