Qiso: Ha Is Dhiibin, Xalka Hel!

0
1083

Boqor  ayaa ku xukumay laba nin dil. Waxaana loo qabtay in bil ka dib la dilo. Labadoodii midkooda aad ayuu u niyad jabay , waxaana uu fadhsiitay xagalaha Jeelka isagoo ooyaya.
 
Maxbuuska kale dan sidaasi kama gelin wuu iska degenaa waxaana uu aad uga fekerayay sidii uu dilka uga badbaadi lahaa. Markii uu aad u fekeray wuxu xusuustay in boqorku jecelaa Faraska suuqyada ku mari jiray.
Subixii ayuu u yeedhay askartii Jeelka waxaana uu ka codsaday inay doonayaan labadan maxbuus inay arkaan boqorka oo loo ogalaado. Askariga ayaa markii hore diiday laakiin haddana mar danbe ayuu boqorka u geeyay warqada codsigooda.
Boqorka ayaa ogolaaday la kulankooda.
Boqorka ayaa weydiiyay maxaad iga codsanaysaan. Maxabuuska mufakirka ahaa ayaa ku yidhi “ Boqor waxaan kuugu nimi, inaan kuu sheego inaan Faraska aad suuqa ku marto aan bari karo sidii uu u duuli lahaa, sanad guidihii, adiguna aad dilkayaga dib u dhigto !”
Boqorka markiiba ogolaaday oo sawirtay isagoo Faraska fuushan oo hawada socda. Maxbuuska labaad aya arinkan la yaabay oo ku yidhi “ Waar maxaad sidaasi u tidhi, ma adigaa faraska bari kari kara duulista?!
Maxbuuska caqliga badan ayaa ku yidhi” Haa, waan ogahay in aanu duulayn laakiin afar arrimood ayaan ka faa’idayna :
Waxa laga yaaba sanadkaasi gudihiisa inuu boqorku dhinto, ama aniguba aan dhinto iyadoon la i deldelin. Waxa kale oo dhici karta in Farasku dhinto. Aama anigu awoodo inaan baro duulitaanka.  Sidaasi ayaanay dadka caqliga lihi isugu dhiibin dhibaatada ee ay isku dayaan inay xal u helaan.

Leave a Reply