Khubaro dhowan samaysay cilmibaadhis ayaa iftiimeyey in ay ogaadeen in lacagtu tahay ta ugu badan ee keenta in khiyaano ka dhex biilaabanto qoyska nolol wadaagta ah ama is qaba, iyaga oo sheegay in ninku khiyaano bato markasta oo ay korodho lacagta uu helayaa, taasina aakhirka ay keento inuu qoyskaasi bur buro.
Daraasadan oo ay sameeyeen koox khubaro ah oo ka socotay urur ka shaqeeya arrimaha bulshada oo ay hogaaminaysay gabadha lagu magcaabo Christina Munch ayaa sheegay in ay sameeyeen tusaale yaal iyo tijaabooyin ay ku sameeyeen qoysas gaadhaay 2750 qoys,kuwaas oo da’ahaan u dhaxeeya 18 ilaa 32 sanno,waxaanay daraasadan wadeen laga soo bilaabo 2001 ilaa 2011 oo ahayd waqtigii ay soo xidheen,iyaga oo intii ka dambaysayna qiimayn samaynaayey.
Waxaanay sheegeen in qoysaskaasi ay 15% ay ka badbaadeen khiyaanadaasi dhinaca lacagta ah,iyaga oo intaas ku daray inay arrintani keento shaki badan oo dumarka ku dhaca,taasina ay keento inuu qoyskaasi burburo ama la kala shaqo tago,waxaana meesha ka baxda is aaminkii qoyskaasi ayay tidhi gabadhaasi .
Waxay kooxdan khubarada ahi sheegeen in ragga inta badan reerohooda haystaa ay yihiin kuwa dakhliga soo galaa uu yahay mid iyaga uun ku filan oo ay ku kaafiyi karaan nolol maalmeedkooda,sidoo kalena waxay tilmaameen in inta badan ragga lacagta badani ay soo gashaa sameeyaan inay wax is daba mariyaan ,hadhow markay dumarkoodu ogaadaana ay keeno in lagu kala tago.