Halista Lacagta Qaranka Oo Gacanta U Gasha Shirkado Ganacsi

0
349

Markii laga soo gudbay nidaamkii bulshooyinku badeecadaha wax lagula kala iibsan jiray ee “Barter”(badeecad,badeecad lagu bedelay). waxa bilaabmay nidaamka lacagaha oo wakhtigaasi lagu qiimayn jiray biro qaali ah, dahab iyo silfer. Waxaana la sheegay in lacagtii u horaysay oo ahayd qadaadiic la soo saaray 700 sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise, inkasta oo ay qiyaastaasi tahay mid si cad aan loo xaqiijin.
Dalka Shiinaha ayaa ugu horeeyay samaynta lacagta warqadda ah, waxaana ninkii sameeyay uu ahaa boqorkii la odhan jiray Ghengis Khan. Wuxu xukumi jiray boqrtooyo ballaadhan oo dhulka Aasiya badankeeda wada gaadhay. Boqoka ayaa qofkii u keena dahab ugu miisaami jiray lacagaha xaashidda ah iyadoo qiimahuna ahaa mid la isla ogol yahay.
Boqorka wuxu abuuray nidaam ah in qofkii uu keena dahab ama silfer uu siiyo lacag Noodh ah oo ay ku qoran yihiin sawiro iyo tirada qiimaheeda. Haddii qof u baahdo dahabkii inuu soo ceshadana lacagtii waxa la siin jiray inta ay dahab uga dhiganto. Waana halka ay ka soo bilaabantay lacagta waraqaaha ahi.
Xarunta boqorka waxa yaalay dahab badan oo u dhigama hadba inta lacag bulshadu isticmaalayso waxanaana la sheegay inuu noola qarnigii 13 aad.
Bangigii ugu horeeyay waxa Yurub laga furay sanadkii 1661, waxaana uu ahaa Sweden. Wakhtigaasi ayuu dalka Sweden daabacay lacag sharciyaysan oo caalmi ah, waxaana qiimaha lagu salayn jiray inta kiilo ee dahab ah ee qofku baanka dhigto.
Dalka Ingriiska ayaa horaantii qarnigii 18 aad, samaystay lacag shilimoo oo hadba inta qofku baanka dahab dhigto lagu siinayo shilimaan ah. Maraykanka aya isna mar danbe arintan qaatay in lacagta dahab lagu jaan gooyo oo ahayd horaantii qanrigii 19aad.
Sanadadii sodonaadkii qarnigii tegay 1930-1933 ayay dalalka dunida dhamaantood lacagahooda ku jaangoyeen xadiga dahab baanka u yaalla si ay qiimo u yeelato.
Shirkii sanadkii 1944 ee loo bixiyay Bretton Woods Conference kaasi oo uu qabqable ka ahaa Maraykanku ayaa lagu qaatay nidaam cusub oo ah waxa maanta loo yaqaan ( A Fixed Exchange Rate) qiimaha go’an ee sarifka lacagta. Arintan aya la isla qaatay in dollerka Maraykanka lagu jaangooyo lacagta caalamiga laakiin Maraykanku aanu daabici Karin lacag doller ilaa Baanka uu dhigo dahabkii u dhigmayay. Iyadoo lagu saleeyay in 28 garam ee dahab ahi ay u dhigmaan $ 35 doller. (The dollar fixed in terms of gold—$35 an ounce).
Sidaas ayay lacagtu u ahayd mid weligeed qiimaheeda loo ilaaliyo oo ku jirtay gacanta dawalada oo aanay xukumin ganacsatada macaash doonka ahi.
Shilinka Somaliland ee lagu soo kordhiyay shirkadaha isgaadhsiinta waa in laga dhigo mid uu maamulkeeda iyo gacan ku haynteedba leeyahay Baanka dhexe, haddii aanay taasi dhicin waxa soo baxaysa in lacagtii qaranku ay ka fara baxdo maamulka Baanka dhexe, isla markaana ma ogaan karo tirada lacag shilin Soomaali ee suuqa ku jirta sida wakhtiganba aanu u ogayn tirada lacagta dollerka ee suuqa ku jirta, taasi oo gacanta ugu jirta shirkado ganacsi oo iyada lafteedu aan sharci noqonayn ilaa Baanka dhexe maamulkeeda yeesho.
Haddii aan si weyn looga taxadirin Waxa kale oo ay keenaysaa shaqo la’aan uu horseedo nidaamka isku sarifka lacagahaasi Mobilka loo adeegsanayo, kaasi oo sariflayaasha caqabad ku noqon doona. Sidii uu horeba suuqa uga saaray goobihii Substationka oo dakhligoodu u badnaa ku shubashada kaadhadhka hadalka.
Lacagta Somaliland iyo kaydka lacagta adag ee dalku leeyahay waa inay gacanta ugu jiraan Baanka dhexe oo uu hayo maamulkeeda.
Haddii ay lacagtu ka baxdo maamulka Baanka dhexe waxay noqonaysaa arrin halis ku ah shacbiga iyo dawladdaba.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply