Carruurta Ku Korta Guryaha Sigaarka Lagu Cabaa ,Waxay Ku Hamiyaan Inay Hadhow Iyana Cabaan

0
348

Daraasad cusub oo dhowaan la sameeyey ayaa lagu sheegay in caruurta guryaha ay ku nool yihiin lagu cabo sigaarku ay iyaguna mar walba ku fikiraan sidii ay u noqon lahaayeen kuwo mustaqbalka caba sigaark.
Daraasadan oo ay sameeyeen khubaro ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Yale University oo kamid ah jaamacaddaha wadanka Maraykanka ayaa sheegtay in ay daraasadan ku baadheen 13000 oo dad da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 74 sanno,waxaanay sheegeen inay heleen natiijo muujinaysa xidhiidhka ka dhexeeya carruurtaasi guryohooda lagu cabo sigaarka iyo mustaqbalkooda,iyaga oo sheegay in ay mar walba ka sigaarka oo ay bartaan kaga badan yihiin kuwa aan guryohooda lagu cabin.
40% oo kamid ahaa dadkii ka qayb qaatay darasada oo da’doodu yar yarayd inay ahaayeen kuwo la noolaa dad sigaarkaasi caba,kuwaas oo markii dambe noqday kuwo iyaguna caba,halka ay qaar kamid ahi ahaayeen kuwo la dhuunta kuwo kalena cadaysta oo waalidkood la caba.
Khubarada ayaa sharaxaad ka bixiyay suurtagalnimada in markasta ay caruurtaasi dadka sigaarka caba la nooli  ay noqdaan kuwa sigaarka ku bedela waalidkood ,hadhowna noqda sigaarya cabka guriga,sababtana waxay ku sheegeen in ay la qabsadaan caruurtaasi sharciyada waalidkooda sigaarka caba.
Khubaradan ayaa ka digtay in la tuso caruurta yar yar dabeecadaha xun xun,si aanay hadhow ugu dhaqmin arrimahan.
 

Leave a Reply