Khubaro Ruush Ah Oo Wadankaasi Ka Heshay Koobabkii Boqoradii Dalkaasi Isticmaali Jireen

0
342

Kooxo khubaro ah oo baadhitaano ku sameeyey qaybo kamid ah gobolka Skithein Stavrobl ee koonfurta gobolada Ruushka ayaa sheegay inay heleen koobab iyo waxyaalo kale oo ka samaysan dahab aan hore loo arag ,kuwaas oo u samaysan habka fargalka oo kale,kuwaas oo ay sheegeen in ay rumaysan yihiin inay yihiin waxyaalahani kuwii ay isticmaali jireen boqoraddii hore ee wadankaasi maamuli jiray.
Khubaradan oo baadhitaano ka bilaabay meelo badan oo kkamid ah wadankaasi Ruushka ayaa helay waxyaalo kala duwan oo ay kamid yihiin xabaalo qadiim ah oo qarniyo waqti laga joogo dad lagu aasay,sidoo kalena waxay heleen goobo afar geesyo ah,kuwaas oo ay ku wareegsan yihiin dhagxaan waaweyn oo laga hoos helay waxyaalo dahab ah.
Sidoo kale waxa iyaguna dhankooda qaybo cusub helay khubaradana u gudbiyey koox kamid ah ciidamada dabagalka dambiyada ee wadankaasi,kuwaas oo helay dhir cinab ah oo aan hore dalkaasi loogu arag,uwaas oo ku cusub indhaha dadka,waxaanay kooxdani sheegeen inay helaan sidoo kale qoraalo taariikheed oo ay qoreen taariikhyahanadii Greek-gu ,gaar ahaana Herodat ,kaas oo sheegay in kooxo kamid ahaa khubaraddii reer Giriig ayaa ku beeray dhulka Cinabkaasi,waxaanu noqday mid soo jiita khubaradaasi.
Waxa kale oo kamid ah hogag dab ka baxaayo oo ay heleen,meelahaasi oo ay rumaysan yihiin in dad deganaan jireen ,dabkanina yahay mid mucjiso ah.
Khubaradan ayaa sheegay in koobabkani iyo waxyaalahan ay heleen in ay rumaysan yihiin inay ahaayeen kuwo jiray 2400 oo sanno,kuwaas oo ay boqoraddii dalkaasi Xukumi jiray ay ku cabi jireen khamriga,sidoo kalena cinabkanina yahay kii looga samayn jiray Khamrigaasi.
Weelkan ay heleen ayaa waxa ku sawiran niman dagaalamaya oo ciidamadii waqtigaasi ah iyo sidioo kalena dad qoorta laga jaraayo iyo fardo,waana mid aad u soo jiidatay dadka taariikhaha wax ka qora.

Leave a Reply