Dhimashadeedii ka dib Ayay Kursiga Carshiga Ku Fadhiday

0
376

Boqoradii Enies Castro waxay Bortuqaal xukumi jirtay qarniyadii dhexe. Waxaana shirqool ku dilay qof eheladeeda u dhaw ahaa. Xukunkii boqortooyada waxa dhaxlay ninkeed oo la odhan Pedar 1,
Ninkan ayaa boqoradda maydkeedii ka soo saaray xabaasha, waxaanu ku fadhisiyay carshigii isagoo usoo dhamaystiray quruxdeedii dhar, dahab iwm.
Wakhtigaasi ayuu isugu yeedhay golaha wasiirada , waxaanu farta ugu fiiqay boqorada oo ku fadhida kursiga carshiga ah. Goluhu lama yaabin arinka, waxase yaab noqotay iyagoo muuqaalka u muuqday yahay boqoradii ay aaseen. Sidaasi ayay boqoradani ku noqotay mid dadkeeda xukunta dhimashadeeda ka dib oo kolba la sheego inay soo saartay qawaaniin iwm. Waxayna ahayd qarnigii 17aad. ( Kitaabka Nawaadir Al-Hikaam).

Leave a Reply