Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika

0
294

Cape Town (Dawan): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo  Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland  Maxamed Biixi Yoonis, ayaa  kulan la yeeshay   Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma  oo uu dalkiisu martigeliyay shirkii ku saabsanaa  dhaqaalaha  qaaradda Afrika (World Economic Forum on Africa) oo muddo seddex maalmood ah ka socday magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.  Wasiir Biixi, oo ka qayb galay shirkaasi ayaa kulanka uu la yeeshay    Madaxweyne Jacob Zuma waxay si kooban u wadaageen hadal kadib markii uu soo dhamaaday   Ajandaha lagaga hadlayay aragtiyaha ku aadan kaabeyaasha dhaqaalaha  Afrika ee mustaqbalka.
 
 
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo xalay   ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland.
War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo  Iskaashiga Caalamiga ah  ee Somaliland  Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ka qaybgalay shirkii lagaga hadlayay dhaqaalaha  qaaradda Afrika (World Economic Forum on Africa) oo muddo seddex maalmood ah ka socday magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo dalkiisu martigeliyay shirkaasi.
Wasiir Biixi  iyo Madaxweyne Jacob Zuma waxay si kooban u wadaageen hadal kadib uu soo dhamaaday markii Ajandaha lagaga hadlayay aragtiyaha ku aadan kaabayaasha Afrika ee mustaqbalka.
 
Waxa  kale oo Wasiirka Arrimaha Dibadda   Maxamed Biixi Yoonis ka qaybqaatay Ajandihii  lagaga hadlayay nabadgelyadda qaaradda  Afrika iyo Ajandeyaal kale oo dhammaantood khuseeyay arrimaha Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, caqabadaha ka jira xagga wax-sosoaarka wershadaha, diyaarinta hoggaamiyeyaasha waajahaya carqalabadaha  nabadgelyadda mustaqbalka. Wasiirka ayaa  dhiniciisa wuxuu  aad uga hadlay heerarka sarreeya ee shaqadda iyo   nabadgelyadda ka jirta mujtamaca dhalinyarada ah ee qaarada Afrika  iyo fursadaha xadidan ee horumarinta  xirfadaha iyo shaqada  oo uu ku tilmaamay inay caqabad ku noqonayaan xasiloonida.  Waxaanu  soo jeediyay tallooyin   badan oo dhibaatooyinkaasi  xal u noqon karra.   sida siyaasado  waafi ah oo dawladuhu ka yeeshaan xagga wax ka qabashadda,  sinnaan la’aanta, horumarinta waxbarashada,  xirfadaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga dibadeed ee tooska ah.
 
 
Dhinaca kale waxaa  ka mid ah  masuuliyiintii  ay Wasiirka ka wada qaybqaateen doodaha kala duwan ee ajandeyaashan sare masuuliyiin  xilal sare haya,  oo metelyay wadamada  koonfur  Afrika,  Malawi, Canada,  Uganda, Uk   iyo  dhinacyo kale.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu    waraysi faahfaahsan siiyay  qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamiga ah sida telefishanka  CNBC,  taasi oo uu kaga hadlay   nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland ku naaloonayso.
Sida  ay hal-bawle ugu tahay nabadda iyo xasiloonida gobolka  iyo qaaradaba iyo weliba  iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee dalka  dhinacyada horumarka iyo siyaasadaba oo uu tusaale badan kaga jawaabay.”
 
 

Leave a Reply