Hargeysa (Dawan)- Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa shalay ku soo guryo noqday dalka Somaliland, iyada oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa, isaga oo muddoyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa wadamo kamid ah qaaradda Yurub.
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi oo safarkiisa uu ku wehelinayay Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Sharmarke ,iyada oo ay halkaasi soo dhoweyn balaadhan ku qaabileen dadweynaha kala duwan ee Caasimadu.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ka warbixiyey safarkaasi ay ku soo mareen qaaradda Yurub, gaar ahaana wadanka Sweden oo uu in muddo ah ku maqnaa, waxaanu abwaanku isaga oo arrimahaasi ka hadlaaya yidhi “dhulkaa Yurub la yidhaahdo ayaanu aniga iyo rag kale ka war doonay, markaa in muddo ah oo dheer oo dhawr bilood ah ayaanu joognay, maansha Allah ,waxaanu tagnay meel iska wanaagsan oo qabow oo raaxo ah, dad badan baanu isugu tagnay oo qurba joog ah oo Somaliyeed, dad badan baa qurbaha jira ,marka xagaa la tago waxa muhiima in looga waramo waxa dalka ka jira oo la guubaabiyo oo dadka halkaa jira looga waramo, Somalida halkaas joogtaa aad bay u badan tahay, waxa la yaableh siday u midaysan yihiin, siday u nidaamsan yihiin ayaa jirta”.
Waxa kale oo uu Abwaanku ka waramay olole dhinaca Sugaanta Afka Somaliga ah oo uu halkaasi ka sameeyey, isaga oo abwaanku arrintaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi “wixii aanu kari karaynay waxba lamaanu hadhin, wixii aanu u sheegi karaynayna u sheegnay”.
Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Sharmarke oo safarkaasi ku wehelinaayey Abwaanka ayaa isaguna hadal ka jeediyay madashii soo dhawaynta waxaanu yidhi “Waxaa soo guryo noqday Abwaanka weyn ee umada Afsomaliga ku hadasha oo dhan ,gaar ahaana dadka uu Ilaahay hibada u dhaliyey ee reer Somaliland Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), oo doorkii ugu dambeeyey ku maqnaa wadamada Yurub ,gaar ahaana Sweden iyo Jarmalka oo aanu Safar ku wada maraynay, muhiimadiisuna ay ahayd ,dadka dalka inala jooga in lamid ah baa inaga maqan oo inaga inoo maqan, in la guubaabiyo oo saddex meelood lagala hadlo, Diintooda lagala hadlo, Dadnimadooda lagala hadlo, dalkoodiina lagala hadlo, oo lagu guubaabiyo loo sheego dalkooda inay u maqan yihiin, iyagana dhisme iyo taageero ay u noqoto, aad bay gu farxeen Abwaanka iyo Aragtidiisa.”
Mudane Sharmarke waxa kale oo uu halkaasi uga mahadceliyey xukuumada Somaliland oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka madaxtooyada oo doorweyn ka qaatay safarkoodan.
Maamule ku xigeenka madaarka Caasimada Hargeysa Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi “waxa farxad weyn noo ah oo sharaf noo ah inay maanta dalka kusoo nabad noqdaan Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo Sharmarke ,waftigaasi ay muddo dheer ugu maqnaayeen qaaradda Yurub ,farxad weyn bay noo tahay inaanu saaka halkan ku soo dhoweyno muddo dheer baad maqnaydeen, ku soo dhowaada dalka iyo dadkaba ,in badan buu Abwaanku maraayey qaaradda Yurub, markaa waxaan lee yahay ku soo dhowaada dalkiina hooyo ,Farxad weynbaanay noo tahay in aanu saaka halkan kusoo dhoweyno.”
Dawannews Hargeysa office