Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Tacsi U Diray Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Cabdilaahi Cali Xuseen

0
328

Hargeysa (Dawan)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ALLE ha u naxariistee geerida Marxuum-Cabdilaahi Cali Xuseen oo ka mid ahaa Golaha Guurtidda Somaliland oo ku geeriyooday Magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska saxaafadda madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha gaarka ah ee xafiiskaasi Md. Naasir Yuusuf Daahir, waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, labada golle qaran ee  Guurtida iyo Wakiilada, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuum Xildhibaan Cabdillaahi Cali Xuseen oo ku geeriyooday Boorama  07/06/2015, kana mid ahaa Odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

 

waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle qaran ee  Guurtida iyo Wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply