Madaxweynaha Somaliland Iyo Boqorka Imaaraadka Carabta oo Ka Wada Hadlaya Iskaashiga Labada Dal

0
371

Dubia (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey ee u safray Imaaraadka Carabta ayaa qadar saacado ah ku sii nastay Qolka VIP-da ee Garoonka Addis-ababa Ethiopia, waxaana halkaasi madaxweynaha iyo weftigiisa lagaga qaaday diyaarad khaas ah  oo uu u soo diray Boqorka Imaaraadka carabtu.
 
Weftiga Madaxweynaha oo marti-qaad rasmi ah ka helay imaaraadka carabta ayaa markii ay  halkaasi gaadheen weftigii madaxweynuhu waxa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha iyadoo ay kaga horyimaadeen Masuuliyiin tiro badan oo ay ka mid ahaayeen  Madaxa Ha’yadda  Khalifa foundation, Maxamed Al-xaaji Al-khuuri iyo madax sar-sare oo kale waxaana weftiga madaxweynaha loo gelbiyey huteel weyn oo  loogu tallo-galay in la dejiyo iyada oo dhammaan wadooyinku ahaayeen kuwo amaankooda la sugay laguna gelbinaayey madaxweynaha baabuurta gaarka ah ee madaxweyneyaasha loogu tallo-galay iyo ciidamadii amniga sugaayey oo hareero socday weftiga.
 
waxaana la filayaa in madaxweynaha iyo weftigiisu ay maalmaha  soo socda la kulmi doonaan boqorka Imaaraadka Carabta oo martiqaadka u fidiyey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, iyaga oo ka wada hadli doona arrimaha labada dal ka dhexeeya iyo arrimo dhawra oo kor u qaadi doona xidhiidhka labada dal.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply