Caaqil Walaac Ka Muujiyay Ceel Biyood Ha’yadi u Qoday Deegaankiisa Oo Nin La Wareegay

0
351

Hargeysa (Dawan): –  Caaqil Cumar Qowdhan, oo ka mid ah cuqaasha deegaanka Alaybaday ee gobolka Gabiley ayaa  ka dayriyay  muran ka taagan Berkado biyood oo laga qoday deegaanka Hara-cadaad, Berkadahaasi oo ay hirgelisay   hay’adaha   Samsam Foundation oo kaashanaysa hay’ada  Islamic Development Bank.
 
Waxaanu  tilmaamay caaqilku  in Berkadahaasi  oo  saddex  ahaa ay hore hay’ada Samsam Foundation uga   hirgalisay deegaamo  hoos yimaada gobalada Gabiley iyo Hawd, isla markaana loogu tallo galay in dadka deegaanku ay si siman uga wada cabaan, hase yeeshee ay cid gaar ahi xuurto ku haysato.
 
Caaqil Cumar Qowdhan oo shalay  u  waramay  DAWAN,  ayaa ku eedeeyay in xubno hore masuuliyiin ah ay si gaar ah kooto ugu xidheen berkadahaasi, iyadoo aanay jirin cdi si siman uga cabtaa.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxaa warbaahinta laga baahiyay masuuliyiin ka tirsan hay’ada Samsam Foundation iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo uu hor kacayay agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha  oo ahaa Berkado   biyood oo la furayay oo dadwaynaha biyo la’aantu hayso loo sameeyay. Bal se  berkadahaasi ma jirto  mid ka mid oo laga hirgaliyey  tuulada Haro-cadaad oo ka tirsan degmada Alaybaday.   Waxaana  gacan loo galiyay oo haysta masuul deegaankaasi ka soo jeeda oo xilal  kala duwan ka soo qabtay dawlada Somaliland oo lagu magaacaabo Muxumed Aw Cabdi”.
 
 
Waxaanu intaasi ku daray “Waxaan  leeyahay way mahadsan yihiin Hay’ada Samsam Foundation ee dadwaynaha haraadan u hirgalyay baraagaha casriga ah, waxaanse u soo jeedinayaa inay kala cadeeyaan in ay ruux u sameeyeen iyo in dadwaynaha loo sameeyay.
 
Waxaan  sidoo kale baaq u dirayaa anigoo ku hadlaya afka dadwaynaha degaankaasi ee aan caaqilka u ahay in wasaarada qorshaynta qaranka arrintan baraagahan  ay mugdiga ka saarto islamarkaana bushada u cadeyso inay ay yihiin kuwo loo siman yahay oo bulshada lee dahay iyo inay yihiin dad gaar ah lee yihiin mulkiyadooda” ayuu yidhi caaqil Qawdhan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply