10 Faa’iido Oo Uu Tufaaxu U Leeyahay Caafimaadka Qofka

0
629

“An apple a day keeps a doctor away” waa odhaah reer galbeed ee inbadan jirtay, macnaheeduna waa maalinkasta hadaad mid tufaax ah cuntid dakhtar u baahan maysid oo ka dhigan si fudud u xanuusan maysid. Talow maxaa ka jira odhaahdan, sii akhri si aad u baratid caafimadka ku jira tufaaxa:
Tufaaxu wuxu leeyahay macdanta loo yaqaano potassium, calcium, phosphorous, iyo iron. Waxana ku jira in ku filan isticmaalka jidka.
Waxa tufaaxa ku jira walax la dagaalanta kolostroolka (cholesterol) ee xididaha dhiiga ku soo uruura.
Tufaaxu wuxu burburiya dhagax xameetada (gallbladder stones).
Xabada tufaaxa waxa ku jira “fibers” shan laab ah intu jidhku u baahan yahay maalinti.
Tufaaxu wuxu fududeeya shaqada beerka, kelyaha iyo kaadi haysta.
Waxa ku jira walaxda loo yaqaano boron ee adkaysa lafaha jidhka.
Wuxu tufaaxu yareeya jaaniska aad ku heli lahayd kanserka sambabada (lung cancer).
Wuxu yareeya qufaca iyo xaakada.
Wuxu caawiya in lagaga takhaluso aysidhka iyo inu xasilo macaanka.
Wuxu kugu caawin kara inaad miisaanka iskaga ridid. 
Xigasho: Bahda faaido

Leave a Reply