Muxuu Yahay Xanuunka Tb-Du?

0
889

“TB” waa magac la soo gaabiyay ee loo yaqaan cudurka qaaxada ama tiibishada.
Marka uu qofka cudurka Qaaxada ku dhaco, ugana dhaco sambabada ama dhuunta oo uu qufaco, hadlo, qoslo ama hindhiso, jeermiga qaaxada ayuu hawada ku firdhiyaa. Qof walba oo u dhowna waxaa sambabada uga faafa jeermiga qaaxada ama tiibishada .
Jeermiga qaaxada ama tiibishada jirkaada ayuu ku noolaan karaa adiga oo aan la jiranin. Taasna waxaa loo yaqaan jeermiga qaaxada dhaliya. Difaaca jirkaada ayaa kaydiya jeermiga qaaxada, si uu u sugo caafimaadkaada.
Marmarka qaarkood, jirkaada ma awoodo inuu iska difaaco geermiga qaaxada ama tiibishada. Haddii aad la jirato jeermigaas waxaa loo yaqaanaa cudura qaaxada ama tiibishada. Jeermiga wuxuu badi ku dhacaa sambabada. Sidoo kale waxuu ku dhici karaa kalyaha, maskaxda, lafta dhabarka, ama qaybaha kale ee jirka.
Haduu cudurka qaaxada ama tiibishadu kugu dhaco, waxaad u baahantahay daaweyn. Waxaadna ku bogsoon kartaa daawen sax ah. Laakiin, hadaan lagu daaweyn waad u dhiman kartaa.
Maxay muhiim u tahay inaan ogaado inaan qabo jeermiga dhaliaya cudurada qaaxada ama HIV-da?
Jeermiga HIV-da wuxuu daciifiyaa (wiiqaa) difaaca jirkaada. Hadii aad qabto jeermiga Qaaxada ama HIV-da, waxaad halis u tahay inaad u jirato cudura qaaxada ama tiibshada
Waad ka hortegi kartaa geermiga TB-da intuusan isu badelin cudurka Qaaxada ama Tiibishada! Tilaabada ugu horeysa oo aad ku ogaan karto inaad qabto geermiga TB-da waa inaad ogaataa, hadii aad qaaday jeermiga TB-da. Taasna waxaad ku ogaan kartaa adoo jirkaada ka baara qaaxada ama tiibishada.
Waa maxay baaritaanka qaaxada ama tiibishada ee jirka?
Baaritaanka TB-da ee jirkaada waxaa lagu sameeyaa gacanta. Labo ilaa saddex bari gudohood, ayuu daryeelaha caafimaadkaada fiirin doonaa gacantaada si uu u arko inuu dhacay fal kiimikaad. Soo barar “boosatiibo” ah macnaheedu waa inaad qabto geermiga TB-da.
Jeermiga HIV-da ma saamayn karaa natiijada baaritaanka TB-da ee jirka?
Mararka qaarkood, hadii aad qabto jeermiga HIV-da iyo TB-da, laga yaabe in natiijada falgalka kiimikaad ee TB-da jirka ay lama hubaan “negatifo” noqoto. Taasna macnaheedu waa difaaca jirkaada oo aan si haboon u shaqaynayn. Daryeelahaaga caafimaadka ayaa kaala hadli doono hadaad halis u tahay geermiga TB-da ama cudurka Qaaxada. Laga yaabe inaad u baahato baaritaan kale oo caafimaad ama daaweyn.
Diyaariye: Dr. Maxamed Hasan Husein
Email andaasyare@hotmail.com
 

Leave a Reply