Agaasimaha Warfaafinta Oo Tababar Xirfadooda Kor Loogu Qaadayo U Furay Xoghayeyaasha Wasaaradda

0
354

Hargeysa (Dawan):   Agaasimaha guud ee Wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ee Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa shalay tababar aqoontoodda kor loogu qaadayo u furay  xoghayeyaasha xafiisyadda   Wasaaradda warfaafinta.
 
Agaasimaha Guud ee warfaafinta,  oo furitaankii tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay  ujeedada tababarkani  loogu  qabtay xoghayeyaasha  Wasaaradda warfaafinta. “Tababarkani wuxuu ka mid yahay,  tababaradii  joogtada ahaa ee aynu kor ugu qaadaynay xirfada shaqaalaha noocyadiisa kala duwan, waayo marka shaqaalaha la tababaro ee la horumariyo shaqadiibaa horumaraysa.Marka  la isku yimaado ee warka la kala qaato ee dhibaatooyinkii jiray laga wadahadlo ee xirfayada cusub ee soo kordhay  la helo ayaa horumar la gaadhayaa.” Ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
 
Madaxa  cilmibaadhista iyo xidhiidhka dadweynaha ee Wasaaradda warfaafinta Khadar Maxamed Cakuule, oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa ka waramay muhiimada uu tababarkani u leeyahay xoghayeyaasha. Waxaanu yidhi  “Tababarkani wuxuu gaar u yahay qayb muhiim ah marka loo eego shaqada xafiisyada hay’addaha dawlada ee kala duwan, gaar ahaan Wasaarada warfaafinta oo runtii qaybta Aarkiifiyada iyo qaybaha xoghaymuhu marka la eego ay halbawle u yihiin marka la eego nidaam xafiiseedka shaqo ee guud ahaan Wasaarada ama hay’add dawladeed.”
Sidoo kale Yoonis Cali Nuur oo ka mid ah Suxufiyiinta ruugcadaaga ah ee Somaliland oo tababarkaasi ka hadlay ayaa ka waramay kaalinta tababaradu ay ka qaataan wanaajinta shaqada xoghayeyaasha, gaar ahaan  mid kani kor loogu qaadayo xoghayeyaasha  Wasaarada warfaafinta, waxaanu yidhi  “In la isku yimaado, Aragtida oo  la isweydaarsado oo tababar la wada galo ayaa muhiim ah, tiro ahaan marka la eego inta Wiil ee idinku jirta way yar yihiin inta kale waa Haween, mansabyada kale ee kuwan ka sareeyana sidaa ugu tartama oo xoghayn uun ha noqoninee waa inaad ku tartanaan kala badh ama in ka badan mansabyada kale ee Wasaaradana ka qaybgashaan oo aydaan ku eekaan xoghaymaha”.
“Tababarku wuxuu ka mid yahay inta aad jirto tababar waad u baahan tahay, anigu noloshayada inta badan Idaacad baan ka shaqaynayay marka cimrigayga la eego, sannad walba afar ilaa saddex tababar oo kala duwan ayaan gelijiray, waayo farsamadii baa is bedelaysa, aqoontiiba is bedelaysa, xeeladaha cusub ee wax loo sameeyaa isbedelayaa waa wax ka mid ah nolosha runtii.” Ayuu yidhi Yoonis Cali Nuur.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply