Dhibaatadda Dhaqaalle Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybtii 5-aad

0
382

Waxyaabaha sicir-bararka keena kaliya maaha lacagaha foojariga ah ee ay ka midka yihiin lacagaha aan sharciyeysan ee lagu shubo Telefoonada. Hase yeeshee waxa jira waxyaabo kale oo dhaliya sicir-bararka iyo hoos u dhaca qiimaha lacageed ee dal sida rasmiga looga isticmaalo, inkastoo lacagaha faalsada ahi saldhig u yihiin sicir-bararka ka dhasha waxyaabaha aan halkan hoose ku qaadaa dhigi doono.
Waxa ka mid ah waxyaabahan kale ee sicir-bararka keenna shidaalka oo qiimihiisa kor loo sii qaado mar kasta, waayo shidaalka qiimihiisa oo kor usii kacaa, waxa uu saameyn ku yeeshaa dhammaan qeybaha kala duwan ee badeecadaha. Tusaale ahaan, gaadiidka xammuulka ee badeecadaha kala duwan ee tan daruuriga ahi ka midka tahay qaadaa, ay  marka lagu kordhiyo qiimaha shidaalka, iyaguna  waxay qiimihii la dul saaray ku sii wareejiyaan oo ay sii saaraan cidda ka kiraysatay ee ay u sidaan badeecadaha ama raashinka. Iska dhaaf wax kale  xataa kor u kacaa qiimaha shidaalku, waxa uu saameeyaa illaa qofka baska raacaya iyo kuwa kale ee hawada sare amase baddahaba ku safraya ama qaab ganacsi oo kale ugu shaqeysta.  Sicir-bararka, waxa ka mid ah iyana waxa loo yaqaan “Pricing Power Inflation” oo ah goynta awoodda qiimaha sicir-bararka lacagaha loo yaqaan sicir-bararka la maamula. Noocan waxa uu dhacaa markay ganacsatada intooda maal-qabeenka ah iyo kuwa kale ee wershadlayda ah, ay wada go’aansadaan inay si wada jir ah u kordhiyaan qiimaha ascaartooda si ay u helaan faa’iido faro badan.
Tallaabadan waxa ay ka horreysiiyaan inay kor u qaadaan qiimaha lacagaha adag, ka dibna korodhka qiimaha maceeshadda waxay ku sababeeyaan sida aynu had iyo goor arragno kor u kaca qiimaha lacagta adag. Geesta kale  tallaabadani waxay la degtaa oo ay hoos u dhac dhinaca qiimaha ku keentaa lacagta rasmiga ah ee dalkaa laga isticmaalo.
Dhaqdhaqaaqyada maamulka dhaqaale ama ganacsi  ee aanay dawladuhu sida deg-degga iskaga qaban, waxa ay ku keentaa dawladdaasi, in shacbigeedu ku kalsoonaan waayo lacagtooda iyo siyaasadda hoggaamiyayaashooda.
Hore sidaan ugu soo xusnay qoraalladii kan ka horreeyay, lacagaha “Mobile-money” ee dal looga isticmaalo sifo aan sharci ahayn oo  aan waafaqsanayn shuruucaha Baanka dhexe ee  Qaran kastaa leeyahay, waxan shaki lahayn, in sicir-bararka dalkaa ka bilaabmaa uu noqonayo mid weligiiba kor uun usii socda illaa uu ka gaadho heer uu qarxo.
Sicir-bararka ku yimaada noocyada khayaalka ama xaqiiqada ka fog ee aan qoraalkan iyo kuwii ka horreeyeyba ku soo sheegnay, waxyaabaha kale ee ay carqaladeeyaan, waxa ka mid ah maalgashiga, waxana dib uga joogsada shirkadihii amase hantiilayaashii wax gashan lahaa dalka.
Asbaabaha ugu waaweyn ee ay uga maagayaan maal-qabeennadu inay maal-gashi ku sameeyaan dal, waxa ka mida sabbeynta sicirka lacagaha iyo ka badeecadaha ee in ka yar bil isku bed-beddalaya. Waxa kale oo ay uga sii maagaan maalgashiga, waxa ka mid ah markay arkaan in dalka uu ka jiro waxa loo yaqaan “High inflation” oo ah mid tilmaamaya ama muujinaya, in dalka ay ka jirto korodh lacageed oo xad-dhaaf ah oo natiijadoodu tahay inay aad u kala bataan waxa loogu yeedho “demand and supply” oo ah heerka wax kala iibsigu ka taagan yahay suuqyadda  oo aasaas u ah sugnaashaha dhaqaale ee dalka. Qodobka kale ee muhiimka ah waxa uu yahay markay dawladda dalku ka caga-jiiddo inay si sugan wax uga qabato dhammaan dhaliilaha jira ee aan soo  tilmaanay oo ay ugu horeeyaan wax ka qabashada isticmaalka lacagaha faalsada ah ee ay ka mid tahay “Mobile money” oo ah ta ugu khatarta badan ee la midka lacagta foojariga ee la daabacdo, lana geliyo seyladaha lacagta.
Haddii aan dib u eegno xeerka Baanka dhexe ee lam: 54/2012 ee la ansixiyey isla markaana uu madaxweynaha JSL qallinka ku duugay 12/04/012, waxa uu qodobkiisa 4aad, laga bilaabo xubintiisa koowaad 1-aad ilaa 4aad uu u qeexayaa si cad ujeeddooyinka iyo waajibaadka aasaasiga ah ee Baanka dhexe ee Somaliland.
La Soco………………………………..

Leave a Reply